Barokacayaasha Ku Dhaqan Magaaladda Burco Oo Deeq Xoolo Ah La Gaarsiiyay Iyo Xukuumadda Oo Ka Gaabisay.

Filed under: Latest News |

Burco (BM)-Ururka samofalka ee Qurban Oo ay ku Midaysan Yihiin Ganacsadayaal u Dhashay dalka debediisa ayaa deeq Xoolo ah u qaybiyay Kaamamka ay ku Dhaqan Yihiin Dadka Barakacayasha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ,kuwaasi oo ay Xukuumadda jirtaa waxba ka qaban-wayday Duruufaha haysta..

Sidoo kale Deeqdan Xoolaha ah oo iskugu jirtay Adhi dhan 205 iyo 10 neef oo geel ah ayaa loo qaybiyay  Kaamamka Barakacayasha Aden Saleban.Kosaar iyo Cali Xuseen kuwaasi oo ay ku noolyihiin dad jilicsani .

Baro1

Ugu horeyn waxa deeqdan ka Hadlay Khaliif Maxamed Warsame (Xiin-Wal) Waxaanu Madaxda Ururkaasi uga Mahad Celiyay Deeqdani ay soo Gadhsiyeen.

Mr: Khaliif ayaa sidoo kale Tilmaamay in Ururkani Ugu Talo-Galay Qaybinta Xoolahani inay Sadaqo Ugu Baxsadaan Munaasibada Ciidul udxa.Waxaanu Xusay in la sii Laban-Laabi Doono Deeqaha Noocan Oo Kale.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xasan Laki iyo ibraahin Jaamac Basaale ayaa iyaguna ugu mahad Celiyay Ururkaasi Deeqda Soo Gadhsiyay  barokacayaasha Waxaanay Shegeen in loo baahan Yahay Sidii Loo Barbar istaagi-Lahaa Sidii Tagero Loo Siin-Lahaa Dadka Barakacayasha ah.

Gudomiyayasha Kaamamka Aden Saleban.Kosaar iyo Cali Xuseen ayaa dhankooda Xusay in Kaamamkani ay ku Dhaqan Yihiin Dad Danyari ahi.

Waxaanay Baaq u Direen Haayadaha Calamiga ah inay Gargaar u Fidiyaan Dad Danyarta ah.

Masuliyiintii Qaybinayay Deeqdani Xoolaha Oo Iyaguna Halkaasi ka Hadlay ayaa Shegay inay sii Wadi-Donaan Deeqaha Noocan Oo Kale isla markaasna Waxay Tilmameen inay Tagero wayn u Muujin-Donaan Dadka Danyarta ah.

Geesta kale  Qaar ka Tirsan Dadkii Danyarta ahaa Ee ay Ururka Qurban Maanta u Qaybiyeen Deeqda Xoolaha ah ayaa Dhamaanba Ummada islaamka usoo Jeediyay inay u Baahan Yihiin Kaalmaha noocan Oo Kale ah Ee Ururkani Soo Gadhsiyay.

 

Si Kastaba Ha ahatee dadka Barokacayaasha ah eek u dhaqan Kaamamka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa haysta Duruufo adag oo xaga nolosha ah ,kuwaasi oo ay waxba ka qaban-wayday Xukuumadda Siilaanyo ,oo ay imika shicibka Somaliland quus ka taaganyihiin isla markaana uu Musuq maasuq ragaadiyay..

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply