Ciidamadda Booliska Gobolka Togdheer Oo Hawlgalo Balaadhan Habeenkii Labaad Ku Wada Gaadiidka , Iyo Xaafadaha Burco.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Ciidamadda Amniga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa hawlgalo kala gadisan Labadii habeen ee u danbeeyay ka waday magaalada Burco iyo wadooyinka soo gala <sida goob-joogayaal xaqiijiyeen.

Ciidankan hawlgaladan fulinaaya oo tiradoodu badan-tahay  ayaa gaadiidka isticmaalaaya Wadooyinka Halbawlayaasha ah iyo waliba kuwa xaafadaha ka wada baadhis kala gadisan kuwaasi oo ay ku baadhayaan gaadiidka mid mid iyo waliba shicibka wadooyinka maraaya.

Sidoo kale Masuuliyiinta Booliska Burco ayaa ku arkaysaa iyagoo Wadooyinka taagan oo ka qaybqaadanaaya baadhitaanada ay ciidanku wadaan isla markaana ma jiraan wax faah-faahin ah oo ka soo baxay hawlgaladani iyo sababaha keenay.

Geesta kale Hawlgalkan xaga amniga ah ee Booliska gobolka Togdheer Burco ka wadaan oo habeenkii Labaad galay ayaa ka xoog badan kuwii hore ee ay magaalada Burco ka samayn jireen isla markaana wixii ka soo kordha dib ayaanu idiinla socod-siindoonaa.

 

Burcomedia.com

Burco Office.

 

 

Leave a Reply