Ciidamadda Howlgaladda Ka Wadda Soomaliya Ee AMISOM Oo Soo Dhawayay Ciidamada Dheeraadka Ee Loogu Yaboohay Soomaliya.

Filed under: Latest News |

Muqdisho(BM)-Howlagalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa waxa ay si diiran u soo dhaweeyeen hadalka ka soo baxay Midowga Africa ee ah in Ciidamo dheeraad ah ay u soo dirayaan Dalka Soomaaliya.

Afhayeenka guuto ka mid ah guutooyinka AMISOM oo lagu Magacaabo Deo Akiiki, ayaa sheegay in Howlgalka AMISOM aysan haysan Diyaaradaha Militeriga iyo waliba sidoo kale Maraakiib Dagaal si ay uga ula socdaan Dhaqdhaqaaqa Badaha dalka Soomaaliya islamrkaasna la joojiyo Dagaalyahanada Shisheeye ee hubaynaya Xarakada AL-AShabaab.

AMISOM ayaa intaasi ku dartay in Ciidamada Dheeraadka ah ee loo soo dirayo Soomaaliya ay gacan ka gaysan doonaan Dhisida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si loo sugo Amaanka guud ee dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii Midowga Africa ay go’aan ku gaareen in Ciidamo hor leh loo diro dalka Soomaaliya si loo xoojiyo tirada iyo tayada Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee AMISOM .

Dalka Soomaaaliya ayaa waxa hada ku sugan Ciidamo ka kala socda wadamada Uganda, Burundi, Kenya, Djibouti, Sierra Leone oo taageeraya Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Geesta kale Ciidamadda AMISOM ee dalka Somaliya ku sugan ayaa guulo waaweyn ka soo hooyay la dagaalanka Kooxda Al=shabaab iyo xasilinta wadankaasi ay dagaaladu aafeeyeen Labaatankii Sano ee u danbeeyay .

Leave a Reply