Ciidamo Hargeysa Lagu Soo Daayey+ Wasiir Warancade Oo Shaaciyey Inay Gacanta Ku Dhigeen Gacan-Ku –Dhiiglayaal Fuliyey Falal Dilala.

Filed under: Latest News |

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali maxamed Warancade oo ka hadlaayey falal dilala oo xilliyo isku dhawdhaw ka dhacay Hargeysa, khaas ahaan todobaadkii la soo dhaafey ayaa shaaciyey inay hayaan gacan- ku-dhiiglayaashii ka danbeeyay dilalkaa.

Warancade wuxuu carabaabay inay gacanta ku dhigeen Afar wiil oo fuliyey falkii ugu danbeeyay oo lagu khaarajiyey wiil dhalinyara oo ay gabadh la socotey ku damaaciyeen xaafada Sheedaha Hargeysa,wuxuuna intaas raaciyey inay gacan-ku-dhiiglayaasha cadaalada horgeyn doonaan dhakhso.

Sidoo kale wuxuu Warancade sheegay inay gacanta ku dhigeen gacan- ku- dhiiglayaal kale oo isla xaafadaas goor habeenimo ah ku dilay qof dumara oo ay ku damaaciyeen Moobilkay wadatay.

Geesta kale waxaa xalay Fiidkii magaalada Hargeysa lagu soo daayey oo gaaf wareegaayey ciidamo Roondo Booliis ah oo la dhigay jidadka waaweyn badidooda iyo weliba suuqyada hortooda inkastoo goobaha tuugada iyo dilalku ka dhacaan ku badan yihiin gudaha xaafadaha oo aan ciiidamadu badiyaaba gaadhin.

Qarannews

download

Leave a Reply