Dad Badan Oo Ku Nafwaayay Dooni Ay La Socdeen In Ka Badan 500 Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Ku Degtay Xeebaha Talyaaniga .

Filed under: Latest News |

Lambedusa(BM)-Warar soo baxay duhurnimadii maanta ayaa sheegaya in dooni ay la socdeen muhaajiriin afrikaan ah oo dad Soomaali ah ay ku jiraan ay ku degtay meel ku dhow xeebaha Jasiirada Lambedusa ee dalka Talyaaniga.

Doonidan oo ka soo shiraacatay xeebaha dalka Liibiya ayaa duqa Jasiirada Lambedusa waxaa uu sheegay in illaa hadda la helay meydadka 82 ruux, halka 140 kale ay soo badbaadiyeen iyagoo nool ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga.

“Weli waxaa xeebaha koonfur ka xiga Jasiiradan sabeynaya meydad badan, waxaana sii yaraaneysa rajada laga qabo in dad nool la helo, ciidamada ilaalada xeebaha Talyaanigana gurmadkooda waa socdaa iyagoo isku dayaya iney helaan dad kale oo nool” ayuu intaa ku daray duqa Jasiirada Lambedusa.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa la sheegay iney ku jiraan haween uur lahaa iyo caruur, iyadoo dadka la soo badbaadiyey qaarkood ay saraakiisha Talyaaniga u sheegeen in qaar ka mid ah dadka dhintay doonida laga tuuray markii uu dab ka kacay, ugu dambeyna ay gebi ahaan quustay iyada iyo wixii la socday.

Doonidan oo ka soo shiraacatay xeebaha Liibiya ayaa waxay aheyd mid weyn oo ay la socdeen muhaajiriin gaareysa illaa 500 oo ruux kuwaasoo ka soo jeeda dalal afrikaan ah oo Soomaaliya ay ku ku jirto, iyagoo ku sii jeeday dalka Talyaaniga.

Badda Meditrenianka ee u dhexeysa xeebaha Talyaaniga iyo Liibiya ayaa sanadihii dambe waxay qabuuro u noqotay kumanaan qof oo tahriibayaal ah afrikaan ah kuwaasoo doonayay iney si sharci daro ah ku tagaan qaarada Yurub iyagoo nolol raadis ah.

 

Burcomedia.com

Leave a Reply