Dhaqaalaha Sanaag Waxa Ragaadiyey Waa Buurta Ku Gudban Xeebta Ee Aan Waddada Lahyn By Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waddada Sanaag ama waxay noqon furihii dhaqaalaha ama waxay noqon “awrkeena ayeynu ku kacsanaynaa”. Dadka Sanaag ma waxa loo furayaa dhaqaalaha oo xeebta lagu xidhayaa mise siyaasiyiinta ayaa loo hawlyaraynayaa sidii ay Hargeysa iyo Sanagaag kal socokeedu ugu hwlayaraan lahayd.

Dr. Maxamed Fadal

fadal

Waxay Xukuumadda Somaliland ololaysay dhismaha waddada Sanaaag arrin wanaagsan oo mar hore la sameeyo ahayd; waxa iyana wanaagsan in qaranka oo dhami u wada qalab qaato, xisbi, dawlad iyo dadweynaba. Haddaba, Waxa lagama maarmaan in aanay inaga noqon islaantii tidhi “awrkaygaan ku kacsanayaa” ee aynu caqlina raacina oo farsamo iyo aqoon lagu daro. Su’aasha u horaysaa waa waddadu waxay muhimaddan u yeelatay, waxay xidhay korriinka dhaqaalaha gobolka qaniga ah ee Sanaag. Waxa dhaqaalaha dabray buurta ku gudban dekedda Maydh ee laga dhhofin lahaa khayraadka sida kalluunka, xoolaha, xabakaha, farsamada qoriga iwm, oo aan waaddo loo maro lahayn. Waxa tusaale inoo ah labada waddado ee dhexjeexa buurta golis ee ku xidhma  dekedda Berbera ay u kaabeen dhaqaalaha degaanka koonfur beri iyo galbeed kaga began ee ka soo baxeen magaalooyinka waaweyn ee Burco iyo Hargeysa ilaa dalalka deris ahna u adeegta.

Sidaa darted wax lagama maarmaan ah in waddada la dhisayo marka hore diiradda la saaro inta u dhaxaysa dekedda Maydh iyo Ceel Afweyn. Intaas buuraleyda ah ayaa xadhigga ugu adag ee dhaqaalaha curyaaminayaa yaal, baahida waddadona ugu weyntahay. Taasus waxay inaga kaxaynaysaa fikirka ah in Ceerigaabo fogtahay oo aynu Bucro iyo Hargeysa u soo dhowaanayso; Ceerigaabo degaankeeda way ku dhextaal oo way dhowdahay, markay waddadaas samaysatana Hargeysa iyo Burco iyaday tegayaan oo ah halka qaniimaddii dalku taal. Haddii Xukuumaddu ay bilowdayna, waa hawshii loo doortay ee cidna abaal ugu samaynmayso “laa shukra calal waajib”.

Si ay waddadu kaabaha dhaqaale iyo horumar u noqoto oo aanay waddo kaaambayn oo ah  “awr-ku-kacso”  u noqon waxa loo baahanyahay dhawrkan arrimood la tixgeliyo:
1. Ha ka soo bilaabanto Dekedda Maydh, culayskana ha la saaro sidii ilaa Ceel Afweyn loogu soo xidhi lahaa, wakhti kaambaynka ka hor. Maydh waxa ka bilaabmaya mashruuc kalluumaysi oo si weyn ay isu kaabayaan kan waddada oo suuragelinaya in ilaa Etoobiya loo geeyo.

2. Qaadhanka qaranku ugu deeqayo Waddadaa waa in toos ugu dhacdaa gacanta Guddida Horumarka Gobolka oo uu ka hormood yahay Maayarka Ceerigaabo. Waa in laga digtoonaadaa in ay deeqdaasu marto halka ay weli marto ‘deeqda horumarinta Gobolada Bari” iyo tii Togdheer loo qaadi jirayba. Waa cid madaxbanaan oo xisaabisa loo sameeyaa, haddii guul laga doonayo. Akawnka lacagtu ku dhacayso in wasiir ay hoos timaaddo malaa sharci iyo dhaqan midna kuma haboona. Xukuumadda looma dooran in ay akawno maamusho, ee waxa laga sugayaa in ay soo buuxiso akawnada ama dibed ha ka keento ama gudaha ha ka qaadhaantee. Sidee loola xisaabtamayaa haddii xukuumadda ay lacagtii qaadhaanka shacabka iyo tii cashuurta isdhexgeliso. Hab xisaabeed cusub oo alla Kulmiye ah ayaa halkaa ka soo baxaya.

3. Imminka laguma darin Bajadka dawladda ee Wasiirka Maaliyaddu soo sameeyey. Waa in ay si joogta ah bajadka dawladda ugu jirtaa horumar ahaan oo xukuumad walba oo timaadda lagula xisaabatami karo oo weliba lagu caddeeyo inta Kilometer ee ay xukuumadaasi bajadka ugu talagashay, si badhtilmaameedyo loo calaamadsado oo mala awaal lagu socon. Wixii dheeraad loo so helaana waa lagu dari karaa.

4. Wixii Ceel Afweyn ka sokeeya, waa in laga wada tashadaa halka dhaqaalaha iyo kawada faiidaysiga dadka Sanaag, Sool iyo Toghdeer ee ay mari kartoba uga wada faaiidaysan karaan. Waddao muhiimkeedu waa dhaqaale krin, markaa waa la mariyaa halka ay ugu faaiido badanthaya si dhqaalaha degaanada bari u wad koraan. Waddaayoonku ta kale, siyaasadda qaran samyanta iyo isku xidhka dadka wada degganna qayb bay qaadataa ee aan hubin in Gobolka Sool uu Xeebta isna ku xidhmo oo waddaan qorhseheed lagu daro.

5. Haddii kaambaynka iyo siyaasadda la daayo waddada Sanaag oo gobolka aa dhana laga talo geliyo, nin toocsiga maanta muuqdana laga daayo. Dawladdii kacaanka SIyaad Barre miyaanaan ka barran barnaamojyo ah iska toocso. Bal aynu wada xasuusnayo kii gobolka Snaag u gaarka ahaa ee iskaashatooyinka reer miyiga lagu samaynayey, maxaa ka nool maanta. Qorsha xumada horumarku waxay noqotaa hagardaamo ee ha la qorsheeyo saamaynta waddada ee dhaqaalaha iyo siyaasaddaba.

WBT

Leave a Reply