Dhibaatooyinka Iyo Dareenka Quusta Ah Ee Hadheeyey Dhalyarada Reer Somaliland Ee Tahriibta Miciinsadey By C/raxmaan fidhinle .

Filed under: Articles-Maqaallo |

Dhalinyarada S/land ee da’doodu tahay 18 ilaa 28 jirka oo ah cimriga qofka ibnu-aadamka  ugu muhiinsan ee uu qofku mustaqbalka noloshiisa uu salka u-dhigo ee uu meel-ku-humsado ayaa Somaliland aad u-dayacan oo marin-habow-san oo aan ceelna-u-qod-neynd cidina u-maqneyn. kadib markii ay xukuumadii ay ku fashilantey in ay wacyi-geliso oo shaqo u-abuurto haba iska yaraadaane. Dhalinyadaa oo ah haldoorkii mustaq-balka wadanka ee beri ayaa  badan-koodu waxay soo kala dhameysteen 70-ka dugsi sare iyo 17 ka Jaamacadood ee Somaliland ku yaala. Dhalinyaradaa oo iyagu dhinacooda ka dadaaley ka dib markii ay waxbarashadoodii ay ku soo kala dhameeyeen duruufo kala duwan oo aad ugu-adkaa.

 

Hadaba su’aasha la is weydiin karaa waxay tahay  Maxaa dhalinyaradaa  ku kalifey inayTahriibaan oo ay nafahooda haligaan?

– Waxaa dhalinyaradaa saameeyey dareen quus ah oo ay naftoodii is-weydey ka dib markii ay xukuumada Siilaanyo ay kaga baxdey balan-Qaadyadii afka baarkiisa ahaa ee ay ugu-balan qaadey waqtigii ay doorashada ku jirtey iyo 3 dii sanadood ee ay xukuumadani  doobineysey ee ay dhibi-shax-leyneysey.

 

-Waxaa dhalinyarada Somaliland  jaamacadaheeda  ka qalin-jebisey dhamaan taabatey oo saameysey cadaalad darada ka jirta shaqooyinka yar ee wadanka ka soo baxa oo had iyo jeer lagu qaato ama loo qorto yaa tahay?  waxaa dhalinyarada niyada ka sii jebisey markii ay indha-hooda ku arkeen in hayadihiiba loo yeeshay oo loo qeyb-sadey beel-beel iyo gobol-gobol , waxaa kale oo u-sii quus-goysey markii ay milicsadeen wax-is-dabo marin, musuq-maasuq iyo qabyaalada iyo qaraabo kiilka duluca furtey ee ay xukuumada Siilaanyo la-sibiq -dhaqaaqdey sadexdii sanadood ee ay ku jeedey malabsiga iyo futeyta hantidii yareyd ee shacabka iyo dhalinyaradaa shaqooyinka loogu abuuri lahaa ama mashaariicda  gur-madka qaranka loogu fulin-lahaa ee loogu mashquulin lahaa.

 

-Dalinyarada Somaliland oo ah hadda bulshada somaliland badankeeda laguna qiyaaso 65% ayaa waxaa si ba’an u-saameeyey sanadahan danbe

duruufaha is-dabo-yaaca ah ee siyaasadeed, qabyaaladeed, eexda iyo qaraabo kiilka xadhkaha goostey, taas  oo dhaxalsiisey dhalinyaradii fursad la’aan, taba-bar-la’aan, shaqo la’aan, talo la’aan, mada daalo la’aan dhamaan wadanka ku baahsan oo aaney xukuumadu xil-iska saarin sidii ay u-wajihi laheyd una maa-reyn-laheyd shaqo-la’aantaa  sii badaneysa sanadba sanadka ka danbeeya.

 

Markii ay xukuumadii iyo golayaashii qaranku ay daneystayaal is-xanbaar ah oo dhabarka isu-xoqa ay noqdeen  ee  la is xisaabin waayey ee xilalkii loo kala igmadey la gudan waayey ayaa maatidii, wax-ma-garatadii iyo dhalinyaradii  qalin jebisey ee aheyd hal-doorkii wadanku ay  dayacmeen oo tahriib-miciinsadeen.waxa xukuumada looga fadhiyey in ay la timaado sanadka soo socda Miisaaniyad miisaaman oo ku saleysan kob-cinta dhaqaalaha wadanka si dhalinyarada shaqo loogu abuuro .Nasiib daro taasi may-dhicin oo waxay xukuumadii soo odorostey sanadkana  miisaaniayad aan ku saleysneyn baahiyaha aas-aasiga ah ee dhabta ah ee nolosha wadanka ka jirta, Taas oo ah miisaaniyad uu mad-madow badani ku-jiro oo aan ka turjumeyn baahiyaha dhaqan-dhaqaale ee dhabta ah ee wadanka ka jira laakiin ku saleysan shaqsi jecleysi iyo in dakhliga madaxtooyada kor loogu sii qaado. Miisaaniyada 2014 ka oo xukuumadu ku soo odorstey ilaa iyo 212 millyan oo dollar ayaa  waxaa fog’aan araga reer S/land ay isku raaceen in ay tahay miisaaniyad aan miisaamneyn oo dhiig-bax ku ah qaranka S/land maa-daama aaney aheyn mid ka turjumeysa korodhka iyo kob-cinta guud ee dhaqaalaha wadanka iyo shaqo abuurida da’yarta reer Somaliland oo shaqo-la’aani ragaadisey waqtaigan la joogo.

 

 

la soco ———————————??

 

Alleh ayaa mahad leh

Waa-lahum-Aclam Waa-bilaahi Towfiiq

Qalinkii A/rahman fidhinle

Intensive ED-BD-PA

United Kingdom

London

 

Leave a Reply