Dowladda Kenya Oo Sheegtay In Ay Dib U soo Celineyso Qaxootiga Soomaalida Iyo Warar Kale.

Filed under: Latest News |

Nairobi (BM)–Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Kenya Mr Joseph Alolonga ayaa waxa uu shaaca ka qaaday qorshe ay dib ugu celinayaan Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi Kenya.

Wasiirka oo la hadlayay Idaacadda BBC-da  ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay kala hadleen qaabkii ay dib ugu soo celin lahaayeen Qaxootiga Soomaaliyeed , islamarkaana Muddo dheer ay ku sugnaayeen dalka Kenya.

“ waa xilligiii dib qaxootiga Soomaalida ah loogu celin lahaa dalkooda” ayuu yiri Mr Alolonga Wasiirka Arrimaha Gudaga dowladda Kenya.

Soomaali aad u badan ayaa door biday in ay galaan dalka Kenya oo meel ay ku noolaadaan ka dhigtaan kadib bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

 

Burcomedia.com

Nairobi

Leave a Reply