Duqa Degmadda Boorame Oo Digniin U jeediyay Dhalinyaro Rabshado Sameeyay Dhawaan.

Filed under: Latest News |

Boorame (BM)- Maayarka Magaalada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay falal habeenadii u dambaysay ka dhacday magaalada Boorama oo khalkhal galisay nabadgalyada, taasi oo ay ku kaceen qaar ka mid ah dhalinyarada Boorama.

Maayarka magaalada Mudane Saleebaan ayaa waxa uu waalidiinta iyo waxgaradka magaalada Boorama ka dalbaday inay caruurta waaniyaan, isla markaana ay uga digaan falalka fool xumada ah ee waxyeelaya amniga iyo nabad gelyada, sidaasi oo kale waxa uu ka digay cawaaqibka ay la kulmi doonaan dhalinta falalkan foosha xun samaynaya hadii ay ka waantoobi waayaan.

“Waxaad ogtihiin waxa soo kordhaya maalmahan dame falalka ugubka ah ee ku lidiga ah amniga ee ay dhalinyaradu samaynayso, habeen hore waxa magaalada ka dhacay boob iyo burburin ganacsi iyo hantiyeed oo ay dhalinyaro isku gadooday ka samaysay xaafadaha sare ee magaalada, caruurtaasi waxa ay ka soo baxeen waa guryaheena, ilmo kastana waxa dhalay waalid, marka la soo qabto ilmaha waxa ka daba imanaya waalid, marka guriga loogu tagona waxa uu odhanayaa waalidkii waan xanuunsanayaa, arintaas ka gun gaadhideeda ciidanka nabadgalyada iyo maamulkuba way ku hawlan yihiin oo way socotaa” ayuu yidhi Maayarka magaalada Boorame Saleebaan Xasan Xadi oo maanta ka hadal ka jeediyay munaasibaddii Ciidul Udxa.

Maayarka Boorame waxa uu bulshada reer boorame ku booriyay gaar ahaan waalidiinta in ay waaniyaan oo ay la taliyaan caruurta isla markaan aya la socdaan waxyaabaha ay samayayaan caruurtu, waxaanu yidhi “Caruurta aan waanino oo aan wax u sheegno oo aan ogsoonaano in dhib ay waalidka ugu filan tahay inta ay ka nixinayaan ee ay wax dhibaato ah oo ka fog u soo jiidayaan. Waa arin masiibo ah ee aan ka ducaysano inaanay nagu soo noqon, caruurteenana aan u ducayno oo aan kala dagaalano dhaqan xumada.”

Ugu Dambayntii Maayar Saleebaan waxa uu xusay in sharciga lala tiigsan doono cid walba oo ay ku cadaato in falkan burburka dhaliyay ay ka qayb qaadatay sidoo kalena waxa uu ka digay in falkii habeen hore dhacay oo kale uu dib u soo laabto “Waxa aan ku baraarugsanahay ilaalinta amniga una dulqaadan mayno cid kasta oo fal aminiga duraya ku dhaqaaqaysa” ayuu yidhi Maayar Saleebaan.

 

Burcomedia.com

Hargeysa Office.

Leave a Reply