Eng. Maxamed Xaashi Oo Sheegay Inaanay Wax Dan Ahi Somaliland Ugu Jirin Wada Hadalada Somaliya, Kana Hadlay Dhibaatada Ugu Weyn Ee Dalka Haysata

Filed under: Articles-Maqaallo |

Hargeysa(BM)-Siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka dayriyay inay wax natiijo ahi ka soo bixi doonaan wada hadalada u soda Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay inaanay wax faa’iido ahi uga jirin Somaliland.

Eng. Xaashi, oo qoraal xalay saxaafadda soo gaadhsiiyay, waxa kale oo uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Somaliland haysataa tahay dawladihii soo maray oo sharciyadda baalmara. Qoraalkaas, oo uu Maxamed Xaashi, arrimo kale kaga hadlay, wuxuu u qornaa sidan:

“Waxa halkan ku soo ururiyay qodobo Dastuurka oo muhim ah, oo maamuladii dawldihii isaga dambeeyay xukunka dalka, ay baal-mareen ama ka danaysteen. Haddii aan tilmaan ka bixiyo, wada hadalada Somaliland iyo Somalia, waxa faa’ido ihii Somaliland ugu ma jirto.

Somalia ma aha Dal madaxbannaan. Madaxdeeda iyo Baarlamaan keeda midna lama soo dooran. Waxa la odhan karaa, waa “under U.N trustship”. Waxa ilaaliya ciidamada UNISOM. La’aantoodna ma jiri karto. Waxa ay ka talo qaataan xafiiska U.N.ka ee Muqdisho.

Sidaas oo ay tahay, ma qirsana madaxbanaanida Somaliland. Sidaa darteed, in wakhti lagu lumiyana ma haboona. Waxa ka haboon, innaga oo maamul-keena adkaynna, danaheennana qabsanna. Heshiis lalama geli karno, maamul inna sheeganaya. Gaff weyna waynu galnay shirkii u dambeeyay.

 Tusaale Eeg: Qod. 38-3,4-b,t).

3.) Baarlamaanku xilgudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo xeer hoosaadyadiisa.

Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan kuwa soo socda:-                                             4-b.) Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeeda.

4.t) In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhamaan xeerarka ay u baahan tahay dawlad Islaam ah.

waxa ay toddoba qof ee waftigii Somaliland uga qayb galay, wada hadalada labada daraf, ay la soo saxeexeen waftigii Somalia. Heshiisna Baarlamaanka ayaa saxexiisa leh.

Dhulka, badda iyo Hawada Somaliland, Ma aha wax Somalia heshiis laga la yeelan karo, xaaladda aqoonsi la’aanta ee taagan awgeed. Haddii khilaaf ba yimaad, Maxkamad Caalamiya “International Court”, lama gayn karo Dawlad loo aqoonsan yahay in ay qayb ka tahay Somalia. Sida darteed wax heshiis ah Somalia lama geli karno.

 1.DASTUURIGA  Qod.129.  “WAXAAN  ILAAHAY  UGU DHAARTAY  IN  AAN  U NOQONAYO  DAACAD  DIINTA  ISLAAMKA,  DALKAYGA  SOMALILAND, DADKIISANA  KU  MAAMULAYO  SINNAAN  IYO CADDAALAD  INTA  AAN  XILKA  HAYO.

2.QOD. 9-1Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.

3.  QOD 53-3                                                                                                                                                         Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo saarid ama wax-ka-beddelid qaanuun.

4.Qod. 38-3,4-b,t).                                                                                                                                                       3.) Baarlamaanku xilgudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo xeer hoosaadyadiisa.

Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan kuwa soo socda:-                                             4-b.) Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda, hawadeeda.

4.t) In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhamaan xeerarka ay u baahan tahay dawlad Islaam ah.

5.  DASTUURKA QOD.39.                                                                                                                            G/Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha, waana Qaybta 1aad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hogaaminta dalka.

6. G/Wakiilada, Qod.50-3,5,                                                                                                                           Waayidda XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA haddii:-                                                                                                                                                                         3) Uu jabiyo shardi ka mid ah, shuruudihii lagu soo doortay, ama uu gudan waayo xilkiisa.                  5) Haddii uu ka maqnaado Golaha 20 (Labaatan) fadhi oo isku xiga idin la’aan.

7. Qodobka 48.

Xubin G/Wakiilada uma banana inay qabato xil kale oo Dawladeed iyada oo xilkii loo doortay haysa.  Umana banna inay uga faa’daysato xilkaasi dano gaar ahaaneed.

8. Qod.42-1,2,3.

1).Muddada xilka G/Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go’aamada doorashada.

2). Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhamaadka muddada Golaha hore.                                                                                                                                                             3). Haddii doorashada G/Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruufatasi lagana dooranayo Gole Cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah o oculus, sida dhul-gariir, cuduro faafa, abaar culus, waxana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya G/Guurtida ka dib marka golaha xukuumaddu sidaa soo jeediyo.

9. Qod. 20, 1,3,5,6. SHAQADA, FARSAMADA, DARYEELKA, IYO BADBAADINTA, SHAQAALAHA:-                                        1). Shaqadu waxay xaq u leeyahay kuna waajib ah muwaadin kasta oo gudan kara.Sida darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqa abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha.                    3). Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan………….                            5).Sqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sidaa waxay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.                                                                                                                                                                         6). Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo bad-baadinta shaqaalaha, waxaanay xoojinaysaa hay’adaha ku shaqada leh.

10.  Qod. 20- 5.                                                                                                                                                   Shaqadu waa xaq uu leeyahay kuna waajib ah muwaadin kasta dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sidaa waxay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.

11. QOD 12-2.                                                                                                                                            Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaafta iyo handtida guud waa waajib saaean Dawladda iyo muwaadiniinta waxaana qeexaya xeer.

12. QOD. 12-4.                                                                                                                                                  Khayraada dabiiciga ah ee dalka waxa mas’uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah si loo baadho, loogana faa’iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa’idausa karo xeer ayaa qeexaya.

13. QOD 22-1.

Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.

14. QOD 22-2.

Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku timaamayo wuxuu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto.

15. QOD 24-2.

Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabadgaliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo waxyeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.

16. QOD 25-2.

Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood lihi.

17. QOD 29.                                                                                                                                                               Hoyga iyo melaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xadgudubka amarka garsooraha.

18. QOD 34-1,2,4.

1). Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan xeerka.

2). Qof kasta waxa ku waajib ah in uu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.

4). Qof kasta waxa waajib ka saran yahay daryeelka, ilaalinta, iyo badbaadada deegaanka.

19. QOD 27-2.                                                                                                                                                       Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq leeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 saacadood gudahood laha bilaabo marka la qabtay.

20. QOD 49-4,5.

4). Waxa xubinta G/Wakiilada tallaabo laa qaadi karaa haddi lagu qabto isagoo dembi faraha kula jira; markaana waxa waajib ah in Golaha si deg-deg ah loo ogeysiiyo

5). Golaha waxa ku waajib ah in uu hubiyo in tallaabada laga qaaday xubinta ay tahay mid toosan.

21. QOD. 55.3,5,6,7. Miisaaniyadda:-                                                                                                                                           3). Golaha Wakiilada ayaa oggolaanay gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin.

5).  Xeer ayaa caddaynaya miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka hay’adaha, wakaalada iyo shariikadaha dawladeed ama kuwa ay wax ku leedahay iyo u soo bandhigidooda Golaha Wakiilada.                                                6). Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sannad-maaliyadeedkii dhammaaday muudo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyado Golaha Wakiiladu ka doodayo, go’aanna ka soo saarayaan.                                         7). U soo bandhigidda xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti-Dhawraha Guud.

22. QOD. 59-1,2.

1) Xubin Golaha Guurtida ka mid ah waa inaan da’diisu ka yaraan 45 sano

2) Inuu yahay qof Diinta aqoon fiican u leh, ama oday-dhaqan yaqaan ah.

23. QOD 70. Xubinta Golaha Guurtida uma bannaana in ay qabato xil kale oo Qaran iyadoo xilkii loo xulay haysa; umana bannaana in ay xilka uga faa’iidaysato dano gaar ahaaneed.

ALLA MAHAD LEH      Eng. Maxamed Xaashi.

Geeska.

Leave a Reply