Faalo .Maxaa Sababay In Dhaqaalaha Dhismaha Jidka Ceerigaabo Madaxtooyadda Ku Xaroodo Maxaase La Gud-boon Bulshadda Sanaag In Ay Iswaydiiyaan ?.

Filed under: Latest News |

Ceerigaabo(BM)-Xukuumadda uu Horjoogaha ka yahay Axmed Siilaanyo oo ku sifawday Musuq-maasuq ,Eex ,Is-dabomarin iyo Qabyaalad ayaa gobolka Sanaag ka bilowday qorshayaal ay ku borokicinayso dadweynaha ku dhaqan deegaamadaasi oo xaaladooda Nololeed dhulka taalay Labaatankii Sano ee u danbeeyay ,isla markaana mudadii ay Xukuumadda Siilaanyo jirtay sii xoogaysatay wax ka qabashadeedana ay indhaha ka xidhatay .

 

Xukuumadda ayaa bilowday Qorshayaal been ah ay ku sheegtay in ay ku dhisayso Jidka dheer ee isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco oo uu dhawaan Siilaanyo Dhagax-dhigay iyadoo la ogsoonyahay kuwii hore ee galbeedka Somaliland ee ay  Dhag-xaanta Xukuumadu dhigtay ,sheegtayna in ay dhisayso meesha ay ku danbeeyeen , iyo waliba si cadadaanka ah ee ay ugu fashilantay ka dib markii ay Hal Kiiloomitir samayn-kari wayday.

 

Dowladda ayaa hada markii ay shicibka galbeedka Somaliland  ku fahmeen beenteeda iyo Musuq-maasuqa hadheeyay Olole balaadhan u gashay sidii ay Shicibka Gobolka Sanaag u baadhan lahayd iyadoo ku beer laxawsanaysa  wadaanu idiin dhisaynaa ee Lacago keena iyo Xoolo ,si ay uga faramaroorsato waxa yare e ay haystaan ,hadhawtana Ololaha Kambaynka ugu gasho iyadoo xiitaa la ogsoonyahay Xukuumadda Siilaanyo mudadii ay jirtay adeegyadda gobolkaasi in aaney waxba ka qaban ,culays kaarana ka saartay xaga horumarinta..

 

Wafti balaadhan oo uu horkacaayo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan iyo Wasiir Dowle Cadaani oo uu Siilaanyo u xilsaaray qorshaha Lacag urursiga in ay ka dhaadhiciyaan dadweynaha ku dhaqan gobolka Sanaag iyo nawaaxigiisa ayaa maanta ilaa shalayto Kulamo la lahaa shicibka magaalada Ceerigaabo iyo Tuulooyinka dhinaca galbeed ka xiga.

 

Waftigan ayaa sida la xaqiijiyay dadweynihii reer Sanaag ee ay la kulmeen oo iyagu daacad ah aan warhaynin ,ka urursaday Lacago badan iyo waliba Xoolihii yaraa ee ay haysteen ,kuwaasi oo si toos ah Madaxtooyadda loogu shubaayo isla markaana aan waxaba loogu qabanaynin sidii hore looga bartay wadooyinkii hore iyo Madaarka Hargeysa ,waliba ku darsoo Akkoonadda lacagta lagu shubaayo waxa iska leh wasiir Xirsi halka habayaraatee gudiyo kale oo madax-banaan oo lacagta lagala xisaabtamo hadhawto meesha laga saaray isla markaana aaney jirin.

 

Hadaba waxa haboon in shicibka gobolka Sanaag Ceerigaabo is waydiiyaan Su’aalaha jawaabta u baahan ee odhanaaya tolow Xukuumadda Siilaanyo wadooyinkii hore ee yar yaraa iyo Madaarkii Hargeysa dhaqaalihii loogu deeqay Musuqmaasuqday eek u fashilantay in ay wax ka qabato caalamka oo dhana fadeexadoodii gaadhay ,ma idiin dhisayaan Wado Afar Boqol Oo Kiiloo Mitir Ku Dhow ? Tolow maxaa Siilaanyo Hay’adda wadooyinka u hoosgeeyay Madaxtooyadda ma umadii kale ayaa tuug-noqotay ,? Maxaa lagu diiday Gudi madax-banaan oo shicibka gobolku ku shubaan lacagaha ay bixinayaan si loogala xisaabtamo meesha ay ku baxday ? iyo waliba Su’aalaha kale ee ay ka midyihiin Tolow maxaa Deeq-bixiyayaashu u joojiyeen dhaqaalihii ay u qoondeeyeen dhismaha Wadooyinka Somaliland ? Ta kale maxaa wax looga qabanwaayay adeegyadda bulshada Ceerigaabo ee aasaasiga ah ,Su’aalahaasi jawaabtooda dadweynaha reer Sanaag ayaa looga fadhiyaa .

 

Geesta kale Xukuumadda Siilaanyo ayaa markii ay Hay’addii wadiiyinka Somaliland Madaxtooyadda gacanta u galisay  ku fashilantay Deeqbixiyayaashii beesha Caalamka in ay kasbato ,waxaaney ka joojiyeen Lacago farobadan oo Malaayiin Doolar ah oo ay Wadamadda reer Yurub u qorsheeyeen in wadooyinka Somaliland lagu dayac-tiro ,ka dib markii ay arkeen ujeedada laga leeyahay Hay’adda Madaxtooyadda la hoosgeeyay iyo waliba godka madow ee bilaa xisaabta ah ee dhaqaalahoodu galaayo,waxaana cadaatay Xukuumadda talada haysaa markii ay lumisay kalsoonidii caalamka Somaliland ku lahayd in ay usoo dhigatay baadhashadda dadweynaha reer Sanaag oo u baahan in la gacanqabto duruufaha haysta awgood..

 

 

Shucayb Maxamed Cilmi.

Burco Somaliland.

Leave a Reply