Filashada Siilaanyo iyo Fool Xumada Muuqata By Cabdirisaaq Maxamed Jaamac.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Jamhuuriyadda Somaliland oo hadda jirtey muddo ku siman 22 sanno waxa soo maray 4 Madaxweyne oo kala ahaa 1. C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) 2. Maxamed X Ibraahin Cigaal 3. Daahir Riyaale Kaahin 4. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Wax nool iyo wax dhintayba madaxdaa alle ha unaxariistee nin waliba waxbuu qabtay waajib ku ahaa “3” saddexdaa madaxweyne ee hore, meelbaanu soo gaadhsiiyey S/land khalad iyo saxba. Xukunkase manta oo uu hogaamiye u yahay Axmed Siilaanyo fursadaha iyo jaanisyada uu haystaa aadbay uga badan yihiin ugana duwan yihiin kuwaa hore.

Sidaa awgeed filashaduna aadbay uga weyntahay tii hore, haddaba markaan mawduucan si dhab isu dultaagno goyntii dalka, dhisitaankii dawladnimadda iyo hirgelintii dimuqraadiyaddu way ka horaysay madaxweynaha manta.

Mawduuca qoraalkan oo ah mid taxane ah oo aan dhinacyo badan ku eegi doono waxaan isku deyi doonaa inaan si cad u iftiimino jawaabta Maxaa laga filaayey xukuumaddan? Maxayse ka qabatay? Marka aynu iska dhaafno arimo yar-yar oo ah jeedinta iyo jaahawareerinta indhaha shacabka iyo waxyaabaha dadka maankooda lagu xado, haddaba su’aalaha aynu xabad xabad uga jawaabaynaa oo ah kuwii uu Siilaanyo laftiisu ku ololaynaayey ee lagu doortay, waana kuwan hoos ku qoran inagoo jawaabaha maalinba 2 kamida ku soo qaadan doona oo si faah-faahsan ugaga hadli doona mawduucan.

Su’aalaha

1. Waxa ka qabashada siyaasadda arimaha debedda, xidhiidhka caalamiga ah iyo meel marinta qadiyadda S/land.

2. Abuuritadda dhaqaale, ganacsi cilmi ku dhisan iyo abuuritaanka ila shaqaale oo dhabaysa hadalkii madaxweynaha ee ahaa (Udub way tegeysaa ha tahriibina)!!

3. Iyada oo siilaanyo lagu sifayn jirey shakhsi neceb musuq-maasuqa, waxa la filaayey inuu dalka ka abuuro xisaabtan dhaba iyo odhad sharci ah oo ka shaqeeya dul iyo hoosba.

4. Waxa la filaayey siyaasad horumar iyo hagaajin caafimaad, waxbarasho, dhaqaale, isgaadhsiineed, warfaafineed, iyo hide iyo dhaqan.

5. Inuu qabto dooroshooyin madax banana oo si cadaalada dadku u codeeyaan si uu kor ugu qaado dimuqraadiyadda waddanka.

6. Waxa laga filaayey sidii uu balanqaadayba inuu soo dhiso dawlad kooban oo miisan iyo aqoonba leh kuna shaqaysa sharciga iyo nidaamm dawladeed.

Haddaba inaga oo laba laba u qaadayna jawaabaha filashooyinka kor ku qoran wax aka qabsoomay 3 sanno iyo badh ay jirtay dawladdu oo aan odhan karno ciridkaan arkayno ilko kama soo jeedaan bal dhugo akhriste..

1. Siyaasadda arimaha debeda ee S/land hadda ka hor waxay ahayd mid meel cad taagan cadowgeedana ku haysa hangool laba faraarleh aduunyadana la macaamisha maddax heer wasiir ilaa heer danjire leh oo caamlami ahina dalka soo booqdaan, soomaalida reer koonfurka ahna xadhiga u jartay, dalalka ay xidhiidhka gaarka ahi inaga dhexeeyaana sida ingiriiska iyo itoobiyana la yeelatay xidhiidh wanaagsan. Xukuumaddanise waxay marqudha siyaasadeena arimaha debedu isu bedeshay mid hulaaban oo ay hogaamiyaan dad aan waayo arag ahayni oo ay ka soo baxayaan hadalo beena oo is burinaya sida gudiyaal wada jiraa la dhisayaa, maalgashadeyaal caalamiyaa soo socda, hawadii Soomaaliyaa Hargeysa laga maamulayaa iyo hadal tiro badan oo been ah waxayna xaaladu maraysaa in albaabku inagu soo xidhmo iyadoon marnaba shacabka runta loo sheegayn, waxay xanta suuqataalaa leedahay citiraaf raadiintiiba waxay xukuumaddani ku bedeshay koonfureey mashaariicda wax naga siiya.

2. Filashada ugu weyn ee xukuumadda Axmed Siilaanyo laga rabay waxay ahayd inuu sameeyo hal-abuur dhaqaale, inuu abuuro mashaariic ay dadku maal gashadaan iyo qaar ay dawladda lafteedu maalgeliso, sida warshadaha sibidhka, korontada, kuwa dhuxul dhagaxda, warshado yar yar oo kaluun u yeedhitaanka madaxda carbeed iyo kuwo kale oo caalami ahba.

Dhammaan amuurahaa iyo kuwo lamidka ee shaqo abuurka ee dhalinta ka joojin isku gurida badweynta majiraan waxay ka qabatay iyo waxay ka abaabushay oo aan ka ahayn In dad gaara si sharci daro ah waraaqo loo siiyo, waxa been cad dadka looga sheegay iyada oo awelba sharci daro lagula heshiiyey shirkadii la yidhi shidaalbay qodaysaa oo dadweynuhu qabo inay arintoodu ahayd calaamado iyo danaysi gaara sida 82dii gaadhi ee numberka casaa ee fadeexadda la dul hoganaya aqalka madaxtooyadda….

Dhacdooyinkii layaabka badnaa ee dadka dhegahooda ku soo dhacay waxa ka mid ahaa goor casara 5tii galabnimo wax aka hadlay TVga qaranka wasiirka macdan Xuseen Cabdi Ducaale isaga oo sheegay inay shirkadda batroolk ee Genel Energy ay kaga kireeyeen dhulka ay shidaalka ka baadhayso lacag dhan hal milyan iyo badh 1.5 million dollar oo ayka qaadeen una dhiibay wasiirka maaliyadda 7:00pm habeenimo ee isla maalintaas uu xuseen cabdi sidaa lahaa ayuu wasiir samaale ka hadlay Tvga qaranka waxana uu sheegay inay wasarada macdantu u keentay wasaaradda maaliyadda lacag xadigeedu dhan yahay 780 kun oo dollar , intaasaa kaaga filan akhriste nidaamka maamul dhaqaale ee xukuumadda Axmed Siilaanyo.

3. Waxa la filaayey inay abuuranto xukuumad xisaabtanta oo uu ka dhasho qaran xalaal ahi, waxaase markhaati ma doona in aanu odhadkeenu xidhin lana xisaabtamin qof cashuur qaade ka sareeya oo ay xaajadiisu tahay (Miskiinbaa misko la fuulo leh) indhaha odhadkeenu ma arkaan wixii ka dhacay Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, Wixii ka dhacay Wasaaradda Daakhiliga wasiirkan hortii, wixii ka dhacayey wasaaradda warfaafinta xilligii Boobe, wax aka socda wasaaradda madaxtooyadda iyo meela kaloo badanba, odhadkeenu ilaa maayar ilaa madaxweyne mid uu xafiiskiisa xisaabtan sharciya ka sameeyey ma jiro, taasina waxay abuurtay inuu qof waliba halka uu haysto uu iska yeesho taasoo foolxumo weyn ku ah xisbigga kulmiye iyo dadkii soo doortay Xukuumadda Siilaanyo iyo jamhuuriyadda S/land ba…

Lasoco qaybta 2-aad

Filashada Siilaanyo iyo Fool xumada muuqata

Qalinkii C/risaaq Maxamed Jaamac

Burco Somaliland
dhanaaniye@hotmail.com

Leave a Reply