Filashada Siilaanyo Iyo Foolxumadda Muuqata Qaybtii 2-aad By Cbadirisaaq Maxamed Jaamac.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Akhristeyaal intiinii maqaalkan qaybtiisii hore soo akhrisatay ee la socotay waxaynu kaga hadalnay hordhac taariikhi ah iyo laba mawduuc oo kala ah arimaha debedda iyo dhaqaalaha qormadeena labaad ee maantana waxynu kaga hadlaynaa 1. Waxbarshadda iyo 2. Dimuqraadiyadda iyo doorashada aan hoos ugu daadegno markaa maqaalkan oo aynu saldhig u tahay dhaliil toosin rabta iyo in dadweynuhu ogaado xaqiiqada dalka iyo inaanay xumkuumaddani ahayn mid hawl runa haysa.

1.   Waxbarshadda.

Xukuumadda Siilaanyo iyo inta ku xeeran waxa laga filaayey balan ay ku qaadeen  inay sameeyaan siyaasad waxbarsho oo run ah oo uu dalku ku dhaqmo oo keenta waxbarasho tayo leh oo uu dalku ku badhaadho oo lacag la’aana loo siman yahay, dhugo haddaba akhristoow in kastoo horumar waxbarasho  beena laga sheego idaacadaha iyo TV-yadda xaqiiqadana wasaaradda waxbarashadda ee dalkeenu siday tahay .

I.            Wasaaradda waxbarashadda waxay ku guuldaraysatay inay samayso manhaj waxbarasho oomidaysan oo ka turjumaya waxbarasho tayo leh oo huwan hidaha, taariikhda, tii halgan iyo tii horeba , iyo barida sharciyadda dalka si uu qofku u noqdo qof hana qaada iyo barida juquraafiga waddanka. Waxa dalka gudihiisa  ka furan  iskuulo waaweyn  oo mid waliba uu dhigo manhaj waxbarasho oo isaga ugaara oo meel uu ka yimi aanay cidina garan Karin oo abuuray jaahwareer, waxaanad arkaysaa  imo dugsiga dhexe ku jira oo yaqaana oo kaagana waramaya juquraafiga iyo taariikhda wadamada kuweyt iyo nayjeeriya isga oo aan waxyar iyo waxbadan toona ka aqoon juquraafiga Hargeysa iyo Burcotoona ama taariikhda dalkeena.

II.            Tootali caruurta dugsiyadda dhigataa ee dalku malaha direys ama lebis midaysan ileen dharka waalidkaa u iibiiyee waxay wasaaraddeenu awoodi kari wayday inay halweergto  ay afka ka sheegto oo ay tidhaahdo sidaasuu ahaanayaa direyskeena waxbarsho ee dalkeenu, intaasay awoodi wayday wax dhaafsiisana iskadaa.

III.            Wasaaradda  waxbarashada dalka  waxa awood u waydey inay isku bedesho maamulayaasha dugsiyadda dalka  heer gobol iyo heer degmoba dalkoo dhan, maamule walibana waxa uu fadhiyaa oo uu haystaa iskuulkii uu qabsadaya sannadkii 1991 ee uu ki qabsaday degaanka  iyo qabyaaladda , taasoo  dhalisay in maamulihii kartida darnaa uu baabiyo halkuu haystay, kii kartida lahaana intay ardaydii barato ay ka haybadaysan waydo, is dhaafsigii aqoonta iyo waayo aragnimaduna ay halkaa ku lunto oo ay isu bedesho hoos u dhac iyo danaysi.

IV.            Ma jiro hal dugsi ama maqsin ay xukuumaddu dhistay intay jirtey, waxase jirey iskuulo ay dhisaan haayaduhu oo ay ka taagaan meelo macno leh iyo meela aan macno lahayn labadaba kuwaas uunbay xadhiga ka jaraan  wasiiradda dawladu oo ay daba ordain TVyadana iskaga sawiraan xadhig ka jarka kadibna dib cidi uguma laabato, gaar ahaan kuwa kuyaala meelaha miyiga ah, waxaad arkaysaa boqolaal iskuul oo ku yaala tuulooyinka  oo xidhan wasaaraddana ay ugu danbaysay maalintii ay xadhiga ka jartay.

V.            Waxa jirta arin ay xukuumadda Siilaanyto guul ka dhigato marka ay warbaahinta ka hadlayso oo ah waxdugsiyada hoose  iyo kuwa dhexaanu bilaash ka dhignay, laakiin aynu odhan karno waxay ahayd baabiintii waxbarashada dalka iyo abuuritaankii dabaqado waxbarasho oo ay ku baabeen  dugsiyaddii dalka ee dawliga ahaa sababtoo ah markaad arin is bedel ku samaynayso waa inay ahaataa siyaasad qorshaysan iyo ficil daboolaya wixii aad  bedeshay oo shayga halkiisii iyo meel kasii fiican geynaya, markii ay  wasaaraddu ku dhawaaqday  inay dugsiyadda bilaash ka  dhigeen macalinka dugsiyadda hoose ilaa ka dhexe  dhigaa waxa uu heli jiray dakhli ah 200 ilaa 300 oo dollar, maysiin wasaaraddu wixii sii wax u dhigma manaysamayn sharci macalinka xakamaynaya ama xadidaya iskuulada bareefadka ah oo shhuruud ku xidhaya, inkasta  oo aanay markii horeba wada suurto gelin lacag kadayntii  ee hoos uun loo dhigay  haddana waxay keentay inay furmaan iskuulo badan oo gaar loo leeyahay , macalinminnta wixii tayo lahaana ay iyaga u wareegaan, iskuuladii dawladuna waxay ku danbeeyeen qaar aad u aayo liita oo ardaydu ay ku libdhaan qadadana ku sugaan kana soo dareeraan  iyaga oo ah halka ay majooratiga ardayda dalku  dhigtaan iyadoo aanay taas markhaati ka tahay inaanay ardayda dhigta iskuulada dawladu aanay hawaysan  natiijada iyo kaalmaha sare  ee imtaxaanaadka.

Guntii iyo gabagabadii inagoo aan mawduuceenan ku faalayn Karin dhibaatada iyo xumaanta ka jirta xidhiidhka wasaaradda iyo jaamacadaha dalka oo jaamacadaha aad Tvyada ka daawataan habeen walba in sida malcaamadaha loo furo maqan tahayna doorkii ay wasaaraddu ku lahayd oo ahaa kuweebaa dalka iyo dadka u dana kuweebaan se dan u ahay, waxaan muuqan xidhiidhkii wasaaraddeena ee jaarka iyo caalamka labadaba marka laga reebo iskoolar shiib yar oo ay qolada xamar inoo soo tuurto oo ay si laga naxo u qaybiyaan  waxa kasii daran manhajka caruurta dugsiyadu dhigato oo hadaad akhrido aad qaarkii ka wiswisayso oo xitaa afsoomaaligiisu afkoonfureed ku qoran yahay isku soo wada duuboo akhristoow shaqada wasaaraddeena ma waxay ku sifayn karnaa guul mise guul daro ? waxa biyo kama dhibcaana  inay tahay guuldarro weyn oo u baahan  talo, toosin,  awood iyo aqoon ka baaxad weyn ka ta hogaaminaysa waxbarashada dalka.

 

2.   Doorashadda

Mawduuceena 2-aad ee maantu waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka iyo adkayna dimuqraadiyadda dalka.

Akhristoow madaxweyne Axmed Siilaayo  aadbuu uga calool xumaa  doorashadii tan lagu doortay  ka horaysay  waxa uu balan qaaday laga filaayey inuu dalka ka qaban doono doorashooyin xora oo xalaal a wakhtigoodana aan dhaafin waxaynu is waydiinaynaa muxuu ka qabtay ? muxuuse wadaa

I.             Waxa ugu horeeyey ee qabtay doorashadii deegaanka ee ay xisbiyaduna ku kala hadhayeen.

Waxa sida qoraxda u muuqata dadweynaha reer Somaliland gudo iyo debedba ka dheregsan yihiin ceebtii iyo cadaalad daradii ka dhacday doorashadii golaha deegaanka iyo fadeexadii ka raacday xukuumadda siilaanyo iyo komishanka. Wax wax lala yaabo ahayd inay hawshii komishanka dooroshooyinka ay gacanta ku qabtaan wasiiro iyo xildhibaano au dawladu wadato oo siday doonaan ka yeela waxa dhacay in sanaaduuqda qaarkood la geeyey goobaha cod bixinta iyada oo ay mu jiraan waraaqo codaysani halka qaar kalena lakeenay goobtii komishanka iyadoo ay waraaqo saayid ahi ku jiraan oo ah waraaqo aan ahayn kuwii giibahaas loo qorsheeyey halka qaarna laga helay dooxa Hargeysa waraaqihii ay dadku ku codeeyeen sida la soo bandhigay, anigu qoraa ahaan waxaan goob jooge ka ahaa Burco  oo aan indhahayga ku arkay iyadoo xildhibaan kulmiye ah iyo gaadhiga badhasaabku ay sidaan warqihii cod bixinta iyadoo aanay cid komishan ahi la socon iyada oo ay jiraan intaasoo fool xumo ah iyo boqolaal ka sii darani waxa nasiib daro weyn ahayd inaan Axmed siilaanyo aanu waxba ka qaban wixii dhacay gudi madax banana u saarin wasiiradiisii iyo komishankii toona oo ay weliba ugu dhowdhow yihiin, uguna cad cad yihiin raggii fool xumadda inta ugu badan sameeyey, ma wuxuu dadku aaminayaa nimankii 3 nin oo xisbi ka wada sharaxan oo doorasho wada galay habeen keliya ninkii saddexaad ninkii koowaad dhaafiyey arintaas oo ka dhacday Burco miyaanay ahay wax lagu quusto?.

II.            Akhristoow filashadii iyo aragtidii Axmed ee caayi jirtey kordhinta ee balanqaadi jirtey doorasho  xora oo xalaal oo aan wakhtigeeda dhaafin waxay noqotay baarlamaankoow korodhso aan kuu saxeexee, guurtidaay korodhso aan kuu saxeexee anna ii saxeexa  aan kororsadee, waxaana marag madoon arintaa ka dhigaysa muusamayn madaxweyneheenu garow iyo jawi uu khaladkii hore meel ku dhigo kuna soo celiyo kalsoonida dadka oo abuurta jawi cusub oo uu qalbiga dadku ku aamino inuu marlabaad doorasho galo, muu kala dirin komishan cusub kii horena muu kala dirin wuxuu taa bedelkeedii sameeyey guruubaysi qabyaaladii hoosta laga nooleeyo Golayaashii qaranka oo la haybad tiro markay xaaladu taa tahay waa kuma qofka odhan karaa waxa jirta dimuqraadiyadda shaqaynaysaa gunaanadkii ma jirto talo wax tara oo xafiiska Siilaanyo awoodi karaa oo aan ahayn aniga iyo haddii juuq la ii yidhaahdo cirka iyo dhulkaa isku dhegaaya. Sidaa awgeed waxaanu ku talin lahaynin dalkan goleyaashiisa, xisbiyadiisa, aqoon yahankiisa iyo dhamaan dadkiisuba  inta runta loo badheedho si wada jira boogta loo dhayo.

La soco qaybta 3-aad oo xiiso badan

Qalinkii C/risaaq Maxamed Jaamac

Burco Somaliland

dhanaaniye@hotmail.com

Leave a Reply