Ganacsade Ka Mid Ah Ganacsatadda Gobolka Togdheer Oo Beeniyay War Laga Baahiyay Wakaaladda Biyaha Burco.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Axmed Xasan Cali (Jambaq) oo ka mid ah Ganacsatadda gobolka Togdheer  ayaa been abuur aan sal iyo raatoona lahayn ku tilmaamay warar dhwaan laga baahiyay Wakaaladda Biyaha Magaalada Burco oo lagu sheegay in ay magaalada Biyo La’aani ka jirto .

Sidoo kale Ganacsadahan oo u waramay qaar ka mid ah Saxaafadda ayaa ku tilmaamay  warkaasi dadka bixiyay in ay yihiin shakhsiyaad dano gaar ah leh oo ku xun horumarka gobolka Togdheer ,waxaanu xusay horumarka xaga Biyaha ee ay Wakaaladu ku talaabsatay in uu gobolka ka dhex-muuqday isla markaana adeegyadda bulshadda Burco ay Wakaaladu safka hore ka gashay .

“ Waxa la yaab leh ,kuwa wararka beenta ah ku qoraaya Wabsaydyadda eel eh Burco ayay Biyo la’aani ka jirtaa ,kuwaasi oo ay qoreen shakhsiyaad dano gaara leh oo ka xun horumarka gobolka iyo ka Wakaaladda . Ax2

Waxaanan la dafirikarin in Wakaaladda Biyaha Burco ay ku guulaysatay in ay daboosho baahidii biyood ee magaalada ka jiri jirtay kuwaasi oo aan maalin qudha kala go’in isla markaana xaafadihii jooga sare ku yaalay  oo aan waligood Wakaaladi biyo gaadhsiin ayay Biyaha gaadhsiiyeen  “ Sidaasi ayuu Yidhi Mr .Axmed Xasan .

Waxa kale oo uu Mr. Jambaq wax laga xumaado ku tilmaamay  kuwa kaligood arkaaya Biyo La’aanta Burco ka jirta ee aaney bulshada kale arkaynin ,waxaanu ku sifeeyay  kuwo doonaaya in ay Burco la mid noqoto ,Biyo La’aanta Hargeysa ka jirta ee habeen oo dhan loo soo jeedo ,balse eebe kama dhigee.

“Waxaanan halkan ka cadaynayaa Xukuumadda jirtaa ,waxqabadkii ay gobolka Togdheer ka qabatay ,waxa ugu weyn ee ay ku faanikartaa ama lagu xusuusan karaa waxa ugu horeeya horumarka Wakaaladda Biyaha Burco ku talaabsaday ee dhinacyada badan leh gaar’ahaan xaga biyaha ,waxaana u horseeday Masuuliyiinta madaxda ka ah Wakaaladda.

 Markaa waxa nasiib daro ah in maanta nin shakhsiya oo dan gaara lihi yidhaado Biyo La’aan ayaa Burco ka jirta oo uu warbaahinta u gudbiyo,dadweynaha reer Burco-na waxaan leeyahay idinka ayaa laydiinka fadhiyaa dadka noocaas ah in aad ka hortagtaan waayo noloshiina ayay ka xunyihiin ,warbaahintana waxaan leeyahay hayska hubiyaan waxkastoo ay qorayaan si ay u ilaashadaan kalsoonida shicibkooda “ Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay Mr. Axmed Xasan Cali.

Leave a Reply