Gudiga Qaban-qaabadda Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Oo Hugaan Doortay Iyo Musharax-nimadda Siilaanyo Oo Daaqadda Ka Saaraysa Musharaxiinta Kulmiye.

Filed under: Latest News |

Hargeisa-(BM)- Guddida qaban qaabada iyo isku dubaridka shirweynaha Xisbiga Kulmiye  ayaa kulan ay maanta magaaladda hargeysa ku yeesheen ku doortay hogaanka  hagi doona hawlaha qabanqaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye bisha December kuwaasi oo iskugu jira Gudoomiye,Guddomiye Ku Xigeen Iyo Waliba Xog-haye.

Sidoo kale Shirka lagu doortay masuuliyiintan oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa Gudidu waxay Guddoomiye u doorteen Abuubakar Xaamud Jibriil, Guddoomiy ku-xigeen  Saleebaan Cabdi Cali Bukhaari, Xoghaye C/raxmaan Maxamuud Caraale halka Af-hayeen loo doortay Sahal Maxamed Jaamac.

Geesta kale Kulankan maanta lagu doortay xubnaha hagi-doona gudiga qaban-qaabada Shirweynaha Kulmiye ayaa la xaqiijiyay in ay jiraan qaar ka mid ah garabyadada Kulmiye oo aan ku qancin xubnahan la doortay.

Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee qaban-qaabadiisu socoto ayaa waxa u taagan Jagadda Musharaxnimadda Xisbiga dhawr qof kuwaasi oo uu Siilaanyo ka mid yahay iyo kooxdiisa ku hareeraysani ,waxaase hubaal ah ,hadii musharaxnimadda Xisbiga Kulmiye Siilaanyo Loo doorto  mar labaad in uu guuldaraysan-doono maadaama hugaanka dalka uu Siilaanyo markiisii u horeysay ku fashilmay bulshadii Somaliland-na kala qaybiyay isla markaana Cadaalad-darada iyo Musuq-maasuqa Xukuumadu  Toban jeer laba kacleeyay.

Ku Darsoo Musharaxnimadda Siilaanyo hadii ay meesha timaado waxa hubaal ah in Musharaxiinta Kulmiye damacu ka hayo  in ay meesha ka bixi-doonaan maadaama Siilaanyo ,cashuurta wadanka u adeegsanaayo kas-bashadda Golaha dhexe ee Kulmiye oo intooda badani Caws Iyo Biyo Ku Nool ah.

 

Burcomedia.com

Burco Office.