Halkan Ka Daawo: Ololaha Talaalka Oo Goboladda Bari Ka Bilowday Iyo Xukuumadda Siilaanyo Oo Aan Gacan Ku Lahayn.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo ka Daladda Unita ayaa ka qaybgalay Munaasibad lagu daah-furaayay Talaalka Cudurka Dabaysha gobolodda bari oo ka dhacady magaalada Burco ,taasi oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne ka tirsan qaybaha bulshadda.

Munaasibadaasi oo dhamaystiran ka Daawo halkan masuuliyiintii ka hadlay ,waliba Guddoomiyaha Daladda Unita Marwo Saynab Yuusuf Cabdi.

 

Geesta kale Talaalkan oo ay maalgalinayaan Hay’ado caalami ahi ayaa waxa lagu daawayn doonaa dadweyne aad u farobadan kuwaasi oo da’kasta leh ,isla markaana ku sugan goboladda Togdheer ,Saraar iyo Oodweyne.

 

Xukuumadda Siilaanyo oo laga warhayo Musuq-maasuqa iyo kala qaybinta ay wadanka ka samaysay had iyo goor-na sheegata waxqabadka ay shicibku samaystaan ama kuwa ay Hay’aduhu fuliyaan ayaan talaalkan habayaraatee wax gacan ah ka gaysan isla markaana ,waxa si toos ah u fulinaaya Daladda Unita iyo Hay’ado Caalami ah ,kuwaasi oo markasta u taagan horumarinta adeegyadda bulshadda.

 

Bashiir Ibraahim Axmed.

Burcomedia.com

 

 

Leave a Reply