Khasaare Ka Dhashay Weerar Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Meherad Ku Taalla Baladweyne .

Filed under: Latest News |

Baladweyne  (BM)–Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa tilmaamaya in qaraxa Maanta halkaasi ka dhacay uu ahaa Ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof  isku qarxiyay Goob Maqaayad ah oo ku  taallo Magaalada Baladweyne.

Qaraxaan ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 12 Ruux 33 kalena waa ay ku dhaawacmeen , iyadoo 13 ka mid ah dadka dhaawacmay uu liito dhaawacooda sida uu  u xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ku sugan Magaalada Baladweyne.

Warar ayaa sheegaya in Maqaayaddaasi ay fariisan jireen Soomaali iyo Ethiopian intaba , waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Goobta Qaraxu uu ka dhacay ayaa waxaa isku geedaamay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM  kuwaasi oo xiray gebi ahaan wadooyinka soo gala meesha ay wax ka dheceen , iyadoo dadku ay Maqleen Rasaas xoogan oo Ciidamadu ay fureen kadib qaraxa..

 

Burcomedia.com

Baladweyne.

Leave a Reply