Khilaaf Hakiyay Tirakoob Ay Wasaaradda Qorshayntu Maanta Ka Bilaabaysay Magaaladda Burco.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Tirakoob lagu tirakoobaayay dadweynaha ku dhaqan gobolka Togdheer gaar’ahaan qaybtiisii magaalada Burco ayaa maanta dib u dhac ku yimi.

Tirakoobkan oo ay waday Hay’ad Caalami ahi oo ay gacan siinaysay Wasaaradda Qorshaynta Somaliland ayaa waxa ka dhashay Khilaaf ,kaasi oo sida la sheegay hakiyay Tirakoobka Burco .

Khilaafkan joojiyay Tirakoobka wakhtigii loogu talogalay in uu Burco ka bilaamo ayaa  la sheegay in uu ka dhashay muran ka dhex istaadhmay masuuliyiinta Qorshaynta gobolka Togdheer sida ay Ilo xogogaali u xaqiijiyeen Burcomedia.

Geesta kale masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta gobolka Togdheer oo aanu isku daynay in aanu arintan wax ka waydiino ayay noo suurtoobi wayday ka dib markii ay qaban-waayeen Telefoonka Gacanta.

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply