Koox Wasiiro Ah Oo Weerar Ku Qaadey Xarunta Xisbiga Kulmiye iyo Ujeedada Ka Danbaysa By Taahir Xusseen.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa  saxaafada  xorta  ah  guud  ahaan ” Ascww” Salaam  ka  dib ,bal  aan  shaley waxii  dhacey  dib ugu  noqon. Waxaa  shaley  si  badheedh  ah  oo  fadeexad  ay  ka  muuqato  xarunta  xisbiga kulmiye  weerar  aan  gabasho  laheyn  ku  qaadey  wasiiro, ay horboodayaan  wasiirka  ciyaaraha, wasiirka  gaashaandhiga somaliland.

 

Hadaba  waxaa  is  weydiintu  tahey  waa  maxey  sababta  ay wasiiro xasaanadii dowlada  huwani ay  sidii  qof aan  masuul  aheyn  ugu  dhaqmeen  ee  si  bilaa  maamuus  ah  ay  xaruntii  xisbiga  isugu  shubeen, iyagoo  waliba  iyagu  xilal ummada  dhex  u  ah  ku  magacaaban, xisbiguna  leeyahey  maamul  iyo  meel  ay  xukumadu  u marto?

 

 

Suaashaasi  koley  waa mid  wali  ay  saarantahey  calaamad  su aal (?) , balse  waxaa  laga  dheehan  karaa  sida  ay  golaha  wasiirada   xukumada  madaxweyne  siilaanyo  ay  isu  dhexyaacayaan ee  xitaa  aaney   waxbaba  u  xeerineynin  waxaana  la  odhankaraa  waxey  ogolaansho  ka  heystaan  madaxweynaha  isagu  shaqooyinka  u  dhiibtey  ee  kuraasta  ay  ku  fadhiyaan  u  haneeyey.

 

Sida  ay  warbaahintu  qoraayaan  wax  lagu waxaa  la  leeyahey  waxaa  xubno  uu daaha  dabadiisa  ka  taaganyahey  madaxweyne  siilaanyo  ay  doonayaa  in  gudida  qaban qaabada  laga  dhigo  xubno  xaga  madaxweynaha  u  janjeedha  taasina  maahan  wax  macquul  ah  sababtoo  ah  waxey  ka  hor  imaneysaa  hananka  doorashada  ama  xisbiga  gudahiisa,  waxaanu  xisbigu  noqonayaa  mid  aan  markaasi  cid  aan  madaxweynaha  aheyni aaney  ku  xisaabtamin.

 

 

Hadaba  suaasha  meesha  taalaa  waxaa  weeyey  madaxweyne  siilaanyo,  isagoo  dalkii  madxweyne  ka  ah, isla  markaasina  gacanta  ku    haya  ,awoodii  fulinta, awoodii  dhaqaalaha  miyuu  ka  baqo  qabaa  in  ay  gudi  sagaal  xubnood  ka  kooban oo  xisbiga  ka  tirsan oo  waliba  ah  kuwii  doortay  uu  ku  aamini  waayo, qaban qaabada  shirka  oo  kaliya?

 

 

Ugu  danbeyn  waxaan  kooxda  wasiirada  ah  kula  talinlahaa  maadama  aaney  iyagu  laheyn  han  ama  aaney  murashaxiin  aheyn  in  ay  shaqdii  loo  dirtey  ee  ay  ummada  u  hayeen  ku  eekaadaan  oo  aaney  qofna  ku  jiifsan  ee  si  cadaalad  ku  jirto  ummada  ugu  shaqeeyaan  maadama  ay  yahiin  masuuliyiin  qaran.

 

 

Wq: Tahir hussein (xumo diid)

(waayo_aragman@yahoo.com)

Leave a Reply