Kooxdda Al Shabaab Oo Dib U Fasaxday Dhuxusha Laga Dhoofiyo Baraawe.

Filed under: Latest News |

Baraawe (BM)–Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose ayaa ku soo warramaya in Ururka Al Shabaab ee ka arrimiya degmadaasi ay Fasexeen dhuxusha laga  dhoofiyo Degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ka hadlay Idaacad ku hadashay Afka ururka Al Shabaab oo ka howl gashay Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in Al Shabaab ay dib u fasaxeen dhoofinta dhuxusha ee laga dhoofiyo degmadaasi.

Ururka Al Shabaab ayaa dhawaan joojiyay dhoofinta dhuxusha ee degmadaasi Baraawe ,waxaana dad deegaanka ah ay xaqiijiyeen  Shabelle  in kadib fasixidda Al Shabaab ay degmada Ku soo xirteen gaadiid badan oo kuwa Xamuulka qaada dhuxusha ah.

Geesta kale Al Shabaab ayaa dhawaan waxa ay is hortaag ay ku sameeyeen dhuxusha laga dhoofiyo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Qaramadda midobayn ayaa hore u joojiyay dhoofinta Dhuxusha ee Kismaayo iyo Baraawe isla markaana Kooxdda Al shabaab ayaa dhaqaale buuran ka hesha dhoofinta dhuxusha deegaamadda ay ka arimiyaan.

 

Burcomedia.com

Leave a Reply