Kooxdda Al-Shabaab Oo Sheegatay Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Addis Ababa

Filed under: Latest News |

Addis-abba (BM)-Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay inta la hubo qarax shalay ka dhacay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, waxaana masuuliyada qaraxaas sheegtay Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid aan sidaa u weyneyn uu shalay galab ka dhacay guri ku yaala xaafada Baalle ee magaalada Addis ababa oo ay ku badan yihiin Soomaalida, iyagoo sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen labo ruux oo aan illaa hadda la garan heybtooda ayna wadaan baaritaano.
 
Xarakada Al-shabaab ayaa bartooda Twitterka ku sheegtay in qaraxaas ay iyagu ka dambeeyeen ayna ku laayeen illaa toban gaalo oo Itoobiyaan ah sida ay warka u dhigeen, iyagoo ku hanjabay iney qaraxyo kale oo dheeraad ah ka geysan doonaan gudaha dalkaas.

Geesta kale Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay weeraro lagu hoobtay oo bishii hore ka dhacay magaalada Nairobi iyo qaraxyo sanadkii 2010 ka dhacay magaalada Kambala, waxayna wacad ku mareen in qaraxyo iyo weeraro kale ka fulin doonaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia.

 

 

Burcomedia.com

Adis ababa.

Leave a Reply