Kooxdda Al-shabaab Oo Sheegatey Qaraxii Dadka Badan Ku Dhinteen Ee Maanta Ka Dhacey Baladweyne

Filed under: Latest News |

Baladweyne(BM)-Kooxdda Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka ka dhacay maanta barqadii Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa usheegay Idaacada Andulus ee Al-Shabaab inay masuul ka yihiin weerarkaasi uuna fuliyay mid kamid ah guutada qaraxyada ee Al-Shabaab.

13- askar Ethiopian ayeey Shabaab sheegeen inay ku dileen qaraxaasi, halka askar Jabuutiyaan iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ka tirsana ay ku dileen sida saraakiisha Shabaab ay sheegeen.

Marka laga soo tago warka kasoo baxay Ururka Al-Shabaab, ayaa Wariyeyaasha meesha qaraxa uu ka dhacay tagay waxa ay xaqiijiyaan geerida ilaa 18-ruux oo askar iyo shacab isugu jira.

Ciidamada Ethiopia ayaa lasoo wariyay in qaraxaasi ay kaga geeriyoodeen askar gaarayaa ilaa lix askari, inkastoo saraakiisha Dowladda aysan xaqiijin taasi.

Leave a Reply