Kumanaan Ka Mid Ah Dadweynaha Ku Dhaqan Burco Oo U Dareeray Tukashadda Salaadadda Ciidal Adxa Iyo Xiliga Ay Ku Soo Beegantay Oo Aan Hore Loo Aarag.

Filed under: Latest News |
Burco(BM)-Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ayaa Saaka si balaadhan iskugu soo baxay Dukashadda Salaaddda  Ciidka weyn ee Ciidal Adxa oo laga ciido ,guud’ahaan Wadamadda islaamka ee ku yaala Daafaha Caalamka.
Kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo caruurahoodii wata ayaa saaka buuxdhaafiyay masaajidada iyo fagaarayaasha lagu tuganaayay Salaadda Ciidka ,kuwaasi oo aad dhamaantood wajiyadooda ka dheehan-kartid farxadda Ciidka isla markaana ka warbixinaayay khayrka iyo karaamada uu Ciidkani huwanyahay.
Sidoo kale Wasiirka cadaaladda MD .Xuseen Axmed Caydiid iyo masuuliyiinta  gobolka Togdheer ayaa qaybo ka mid ah dadweynaha reer Burco kula tukaday Salaadii Ciidka Fagaaraha Garoonka Kubadda Cagta Burco ee Alamsy ,waxaaney u jeediyeen qududbado ay kaga hadlayeen ciidka iyo fadligiiisa.
Hiil
Geesta kale Ciidkan wayn ee Ciidal Adxa oo guud’ahaan gobolka Togdheer si weyn looga ciiday ayaa ku soo beeg-may xili ay dhawrkii Todobaad ee u danbeeyay magaaladda Burco uu hadheeyay Hoos u dhac balaadhan oo xaga ,dhaqaalahi ahi gaar’ahaan  Ganacsiga  iyo  iibka Xooluhu , kaasi oo saamayn aan hore loo arag ku yeeshay  Ciidkan.
Hoos-u-dhacan Ganacsiga gobolka Togdheer ayaa ka danbeeyay ka dib markii uu xeerkii Cashuur-kordhintu ee Xukuumada Siilaanyo xanbaarsanayd oo aaney ka fiirsanini uu  joojiyay Xoolihii Sayladda Burco loo soo iib gayn jiray ,kuwaasi oo ka iman jiray dalal badan ,waxaana xusid mudadan ciidkani in uu ka dhaq-dhaqaaq yaraa ciidadkii hore ilaa xad ,waayo marka Xoolaha la iibsadi dhaqaalaha ka soo xarooda ayaa suuqyada camiri jiray.
Burcomedia.com
Burco Office..

Leave a Reply