Madaxweynaha Ugandha Oo Ku Baaqay In La Soo Kordhiyo Ciidamadda AMISOM Ee Somaliya Ku Sugan.

Filed under: Latest News |

Kambala(BM)Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in Al-Shabaab ay noqotay koox argagaxiso ah oo khatar balaaran ku heysa gobolka Geeska afrika, loona baahan yahay in looga hortago istaraatiijiyad mideysan.

Waxa uu ku baaqay in loo baahan yahay in la soo kordhiyo ciidamada nabad dhalinta u jooga Somalia ee Midowga afrika ka socda si ay ula dagaalaman Xarakada Al-shabaab.

“Marka la soo kordhiyo ciidamadaasi waxaa loo baahan yahay in ciidamada qaranka Somalia ay iyagu qabtaan hogaanka weerarada al-shabaab ka dhanka ah maadaama ay iyagu dalka kala garanayaan” ayuu intaa ku daray Musaveni.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo wareysi gaar ah siiyey Tv-ga Al-jazeera, kaasoo lagu daabacay Jariidada New Vision ee ka soo baxda Uganda ayaa waxaa uu intaas ku daray in dagaalka sanadihii la soo dhaafay ay la galeen Al-shabaab uu yahay mid guulo badan laga gaaray hase ahaatee weli xaaladu aysan fari ka qodneyn.

“Al-shabaab waxaan kala wareegnay magaaloyin badan waxaana u baahannahay ciidamado kale oo dheeraad si ay u suurta gasho in Al-shabaab goobaha kale ee gacanta ugu jira laga saaro, balse intaasi waxa ka horeeya in dowlada Somalia laga taageero in ciidamo awood badan loo dhiso” ayuu yiri madaxweynaha Ugandha.

Ugandha ayaa ka mid ah dalalka ciidamada ugu badan ku leh howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha Somalia, kuwaasoo sanadihii ugu dambeeyey Al-shabaab kala wareegay magaalooyin badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Somalia.

 

Burcomedia.com

Kambala.

Leave a Reply