Madaxweyne Siilanyo Oo xilkii Ka Qaadey Agaasimihii Guud Ee Wasaaradda Duulista Hawada Agaasime Kalena Magacaabay.

Filed under: Latest News |

Hargeisa –(BM)- Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa maanta  xilkii Agaasime-nimo  kaga qaaday Agaasimihii guud ee wasaaradda duulista hawada Axmed Dalal Faarax, wuxuuna bedelkiisii Magacaabay Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle oo ahaa maamulaha Madaarka Berbera.Wareegtadaas oo dhamaystiranina waxay u dhignayd sidatan:-

 

Warsaxafadeed 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2129/102013 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada, Mudane, Axmed Dalal Faarax isaga oo madaxweynuhu xilkaasina  u  magacaabay Agaasime cusub.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ah ee JSL;

Markuu La Tashaday:                 Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:                    In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Mudane Axmed Dalal Faarax ee uu Digreetada xilka ka qaaday ku yidhi

Mudane.

Waxa aan kugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Waxa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.

 

Burcomedia.com