Masuuliyiinta Jimciyadda Sooyaal Ee Burco Oo Ku Biiray Odayaasha Waji Ku Macaashka Xukuumadda Siilaanyo Adeegsan-jirtay Iyo Xogo La Xidhiidha Oo Dheeriya.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Masuuliyiinta Jimciyadda Sooyaal ee magaalada Burco xaruta gobolka Togdheer ayaa isubedelay dhag-wadeeno  Xukuumadda Siilaanyo u adeega oo qaladaadkeeda iyo Musuqmaasuqeeda taageero buuxda siiya isla markaana aflagaadeeya cida dhaliisha Korobshanka Siilaanyo iyo Kala Qaybinta uu dalka ka wado .

Guddoomiyaha Jimciyadda Sooyaal ee Burco Jaamac Shawr iyo Guddoomiye ku xigeenka ururkaasi  (Gacan Qoor Qaab ) ayaa noqday laba masuul oo ku qadhaabta magaca Jimciyadda Sooyaal iyo Mujaahidiintii SNM oo ay sheegaan in ay ka tirsanaayeen balse aan shaqo ku lahayn isla markaana qaabka waji ku macaashka ay u adeegsato Xukuumadda Siilaanyo ,gaar’ahaan wasiirka Madaxtooyadu Xirsi Cali X. Xasan.

 

Labadaa masuul ee magacyadoodu halkan sare ku qoranyiin ayaa xalayto oo dhan  Hoteel ku yaala magaalada Burco iyo TV- ga Siilaanyo aflagaadaynaayay madax aaney gaadhaynin oo dalka iyo dadkaba sharaf ku dhex leh ,kuwaasi oo ay ka midyihiin Madaxda Axsaabta Mucaaridka ,Madasha Wada Tashiga iyo waliba Shicibka Somaliland ee qaladaadka Xukuumadda aan dugsan kana hadla ,waxaana cadaatay in masuuliyiintani isubadaleen Moobilo lagu shubto oo hadba cidii Jaadka u qaada si indho la’an ah ku taageera ,kuwaasi oo aan dad iyo duunyo toona u naxaynin.

Sidoo kale maaha markii u horeysay ee masuuliyiinta Sooyaal ee Burco ay aflagaado iyo cay ay Madaxtooyadu dabada ka riixayso ay kula dul ku faan dad aaney gaadhaynin ,qaladaadka shicibkooda lagu wadana cid-na ,aan u dabo fadhiisan uguna habran.

 

Geesta kale Xukuumadda Siilaanyo ayaa caadaysatay in ay Cashuurta shicibka laga qaado iyadoon waxba loogu qaban u adeegsato aflagaadooyinka iyo dhaleecaynta cida dhaliisheeda sheegta ama  farta ku fiiqda ,waxaana haboon in shicibka Somaliland ka horyimaadaan qaababka qaldan ee Xukuumadu u adeegsanayso cashuurta ay ka qaado iyo kala qaybinta ay bulshadda ka dhex wado..

 

 

Shucayb Maxamed Cilmi.

Burco Somaliland.

Leave a Reply