Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ee Gobolka Togdheer Oo Cadeeyay Xukuumadu In Ay Ku Fashilantay Balanqaadyadii Ay Bulshadda Reer Burco U samaysay Iyo Dib U habayn Ay Ku sameeyeen Xisbiga.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ee gobolka Togdheer  ayaa Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyay in ay ku fashilantay dayactirka goobihii uu Madaxweyne Siilaanyo dhag-xaanta dhigay socaadaladii uu dhawrka jeer ku yimi gobolka Togdheer iyo waliba balanqaadadii uu gobolkaasi u sameeyay ,kuwaasi oo ay xuseen in aaney waxba ka fulin.

 

Sidoo kale  masuuliyiintan xisbiga Wadani oo Shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda magaalada Burco ayaa Xukuumadda uga digay in ay ka joog-sato ,xeerka  Saxaafadda madaxabanaan lagu aamusiinaayo ee ay Dabadadda ka riixayso iyo waliba  tacadiyadda ka dhanka ah wariyayaasha iyo axsaabta mucaaridka ee ay caadaysatay.

Wadania

Dr. Cabdilaahi Cilmi Guuleed oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee Xisbiga Wadani oo Shirkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa .

” Halkan waxaynu iskugu nimi in aynu ku xoojino taageerada aynu xisbiga la barbartaaganahay gudo iyo debed iyo waliba qudbadii Guddoomiyaha Wadani .Xisbiga Wadani waxa uu u taaganyahay in uu xukunka dalka qabto ,walibana uu ku hugaamiyo Cadaalad ,Sinaan iyo horumarinta dalka .

Xisbiga Kulmiye ee Siilaano hugaamiyo ,waynu dooranay ,waxaanu ka soo jeedaa gobolka Togdheer ,waxay ahayd in gobolka waxqabadkiisu ka muuqdo ,maadaama uu yahay gobolkii uu taageerada ugu badan ka helay ,markaa wax alaale wax uu gobolkaa Togdheer ka qabtay oo uu ka tirsanaayo ma jiraan ,waxaan leeyahay ganacsadaha Dahab-shiil ayaa ku dhaama oo Burco ka hirgaliyay Laba Biriij oo dadka anfaca ,laakiin Axmed Siilaanyo dhawr jeer ayuu Burco yimi meelkasta dhag-xaan ayuu dhigay wax alaale wax uu ka qabtay ma jiraan ,waxaana ka mid ah Dugsiga Farsamadda Gacanta Burco ,Wadooyin ,Madaarka iyo waliba meelo kale oo badan ,markaa waxa cadaan ah in Xukuumadda manta jirtaa ay ku fashilantay balanqaadyadeedii ee ay bulshada u samaysay“ Sidaasi ayuu Dhagtarku hadalkiisa kaga baxay.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa . “Xukuumadu markii ay ku fashilantay waxqabadkii umadu ka sugaysay iyo cadaaladii laga filaayay in ay wadanka ku dhaqdo ayaa waxay shaqo ka dhigatay in ay axsaabta mucaaridka aflagaadayso iyo waliba cidkastoo dhaliisheeda sheega isla markaana tidhaado horumarka wadanka ayay ka xunyihiin ,taasi waa been waxaana cadaatay in ay aflagaadooyinkaasi ku galgalanayso.

Xiitaa wax kale iska daayoo Saxaafadii madaxabanaaneyd ee marxaladaha wadanka ka jira soo gudbinaysay ayay u tafo xaydaday in ay aamusiiso oo ay xeer u samaysato iyadoo awal hore-ba xadhig ,jidhdil iyo tacadiyo ku waday markaa waxaanu uga digaynaa Xukuumadda in ay faraha kala baxdo oo ay joojiso xeerka Saxaafadda lagu aamusiinaayo ee ay dabada ka riixayso ,xisbigayada mucaaridkuna ma aqbali-doonaan “ Sidaasi ayuu Guddoomiyuhu hadalkiisa kaga baxay.

 

Geesta kale Kulankan ayaa waxa ka hadlay ,xildhibaano ,aqoonyahano ,iyo masuuliyiin ka tirsan hugaanadda garabyadda Wadani kuwaasi oo dhamaantood hoosta ka xariiqay sida ay madaxda xisbigooda u barbartaaganyihiin ,isla markaana ay uga soo horjeedaan  ,Siyaasad xumadda Xukuumadda iyo Musuqmaasuqa wadanka  aafeeyay .

Wadanic

Masuuliyiinta Wadani ee Gobolka Togdheer ayaa sidoo kale Shirkoodan ku soo bandhigay  dib u habayn ay ku sameeyeen garabyadda dhalinyaradda iyo haweenka Wadani ee gobolka Togdheer .

 

Burcomedia.com

Burco Office.