Midowga Afrika Oo Kordhinaya Ciidamada Nabad ilaalinta Ah Ee AMISOM Iyo Warar Kale.

Filed under: Latest News |

Adis-ababa (BM)–Kulan ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa Midowga Africa ayaa lagu ansixiyay go’aan ah in la kordhiyo Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ee wada dagaalka ka dhanka ah Xarakada AL-Shabaab.

Midowga Africa ayaa sheegay in Ciidamo gaaraya 6,235 ay u soo diri doonaan dalka Soomaaliya, tiradaasi oo ka dhigaysa Ciidamada Midowga Africa ee kaga  sugan Soomaaliya ku dhawaad 23,966, Askari .

Kordhinta Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee AMISOM ayaa ah mid looga fadhiyo Golaha Ammaanka in uu ansixiyo ka hor inta aan Ciidamada Cusub Soomaaliya loo soo daadgureynayo ayaa lagu yiri war kasoo baxay midowga Africa.

War kasoo baxay Midowga Africa ayaa waxa  lagu yiri “ waxa nalooga baahanyahay in aan la dagaalanno Xarakada Al-Shabaab, waayo khatarta Al-Shabab waxa ay ku sii fideysaa Soomaaliya iyo waliba gobolka oo dhan.

Kordhinta Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee AMISOM ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa kadib Weerarkii ay Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab bishii aanu kasoo gudubnay ay ku qaadeen Xarun laga dukaameysto oo ku taala Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

 

Burcomedia.com Addisababa.

Leave a Reply