Miisaaniyadda Xukuumadda Siilaanyo Ee 2014 ,Waa Dhiga Lacata Belaa Qorshe Ah.!! Bal U Fiirso.

Filed under: Latest News |

Hadii aynu eegno Miisaaniyadda Xukuumadda Siilaanyo ee sanadka 2014 ee baarlamaanku ansaxiyay ,waxay dhantahay ( $ 212’000’000 ama Laba Boqol iyo Laba Iyo Toban Milyan Oo Doolar ) ,waa cajiib !!.

Waxa ka muuqata naxariis-daro iyo tudhaale la’aan ,iyaddoo ay jirto Sixir barar ,Dhaqaale daro iyo Shaqo La’aan baahsan oo dhalinyaradii reer Somaliland galaafatay .
Markaa culayskii hore ayuun-bay sii Sedex laabaysaa ,tahriibkiina way sii Shan laabaysaa ,hasa yeeshee Xisaab ayaanu diyaar u nahay Xaajiyow.

Dhinaca kale hadii laysku geeyo Miisaaniyaddii Dawladdii hore oo dhan mudo Toban sano ah ,marka laysu wada geeyo waxay noqonaysaa ($ 212,000,000 ).

markaa waxa isleeg Tobonka sano ee Miisaaniyaddaa iyo Miisaaniyadda 2014 ,hadaba odhaah carbeed ayaa tidhaada (” Carafnaaka Yaa xalwa Inaka Masnuucaati Mina sukar ” ) Oo macnaheedu yahay Xalwadey waanu ku gartay in aad ka samaysantahay Sonkor .

Hadaba Mudane Madaxweyne Miisaaniyaddii Xukuumaddii kaa horeysay waxay ahayd  ( 17’000’000 $ 00 doolar) ,markaa hadii aad Shaqaalaha u Sedex laabto ,Qarashkiina kale-na aad Sedex laabtaan Totalku waxa uu noqonayaa (3x 17’000’000 $=51’000’000 $). Marka lagu daro wadada Ceerigaabo oo aad iska dhaaftaan Yaboohda iyo Qaadhaanka  aad dadka iyo caruurta ku wareeriseen oo ($ 75’000’000 Doolar ) ku qiimayseen.

Totaladaasina waxay noqonayaan qarash Dawladeed (= $ 51’000’000),
Wadadad Ceerigaabo  lacagteeda oo dhan                  (= $ 75’000’000.)
___________

 

Isugayn tootalka labada lacagayaw                         ( $ 126’000’000 Doolar.)

Qarash  miisaaniyadeed                                              (  – $ 212’000’000 doolar )
____________
Hadhaa Total                                                              (= + $ 86’000’000 Doolar .)

 

Mudane Madaxweyne ,waa in aad ku shubtaa Khasnadda kaydka Qaranka    ,Dadweynaha iyo Xisbiyada Qarankuna sidaasi hawla socdaan .

Waxaanan hadalkayga ku soo xidhayaa (” Intii aad awrka qalaysay ana waan qaybinaayay” ).

Qalinkii Sayid Saleebaan.
Burco Somaliland.

Leave a Reply