Muqdisho .Ciidamo Rasaas Ku Furay Shacab Mucaawino Loo Qeybinayay Oo Khasaare Gaysatay.

Filed under: Latest News |

Muqdisho (BM)–Gelinkii dambe ee shalay ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay Rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay ay ku fureen dad shacab ah oo loo qeybinayay Xoolo kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Sarkuusta ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay illaa 1 qof ayaa ku dhimatay oo aheyd Haweeney 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyay qof Goob Jooge ah oo ku sugnaa goobta ay wax ka dheceen.

Haweeneyda dhimtay ayaa la sheegay in ay u xamaalan jirtay Hooyadeed iyo aabaheed oo curyaamiin ah

Ciidamada ayaa la sheegay In markii ay Rasaasta Huwiyeen ka gadaal ay qaateen dhammaan xoolihii loo qeybinayay dadkaasi  danyarta ah.

Si kastaba ma jiro wax war ah oo ka soo  baxay Saraakiisha Amniga oo ku aadan falkaasi lagu dhibaateeyay dadkaasi Masaaskiinta ah.

Leave a Reply