Musuq-maasuq Iyo Cadaalad-Daro Xadhkaha Goosatay Oo Aafaysay Gudiga Dhulka Ee Dawladda Hoose Ee Burco .

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Tan iyo xiligii la doortay Golaha deegaanka Degmadda Burco oo ay ka soo wareegtay mudo gaadhaysa Toban Bilood ayaa waxa isa soo taraayay caqabado iyo maamul xumo xaga dhulka ah  oo ka jira Dawladda Hoose ,kuwaasi oo ay bulshadda ku dhaqan magaalada Burco ka qayliyeen sida xoguhu cadaynayaan .

Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Burco ayaa waxa jira Gudi xildhibaano ah oo ay u xilsaareen xaga Dhulka iyo xalinta khilaafaadyadda ka jira ,kuwaasi oo ay ugu talogaleen in ay dhex-dhexaadiyaan dadka dhulka isku haysta isla markaana nidaam Cadaaladeed ku kala saaraan.

 Helll2

Gudigan oo tiradoodu koobantahay ayaa shaqadii loo xilsaaray u leexiyay Jaho qaldan isla markaana bulshadii xurgufta dhulku dhextiilay la dhex-qaaday Musuq-maasuq ,Dano gaar ah  iyo Cadaalad-daro ay iskaga horkeeneen shicibkii sida ay dad xogogaal ahi xaqiijiyeen.

Gudigan oo Xafiis ku leh Dawladda Hoose ee Burco ayaa hadba dhinacyadda Dhulka isku haya la shira si ay u dhagaystaan kooda qaldan isla markaana iyagoo og cida qaldan balse aan runta u sheegin raaca dhanka dhaqaale siiya ama qaybo ka mid ah dhulka laysku hayo ,waxaaney taasi sababtay in ay ku tuntaan ama ay meesha ka saaraan dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay ujeedada gudiga fuliyaan ,kuwaasi oo u badan dadka mulkilayaasha eel eh dhulka laysku haysto ,waxaaney arimahani daaha ka faydayaan in cadaaladii meesha ka baxday  .

Cadaalad-daradda aafaysay gudigan sifaha qaldan ee ay u shaqaynayaan ayaa waxaad ka dareemaysaa Xafiiskooda iyo xarunta Dawladda Hoose ee Burco ,halkaasi oo aad kula kulmayso dadweyne arimahan ka gadoodsan ,oo Dawladda Hoose eedaynaaya .

Sikastaba ha ahaatee nidaamka qaldan ,Cadaalad-daradda iyo Musuqa ay ku shaqaynayaan Gudiga dhulka ee Golaha deegaanka Burco ayaa khatar ku ah Dawladda Hoose ee Burco ,waxaaney taasi sababikartaa in ay Dawladda Hoose waydo Kalsoonidda ay shicibka ka haysatay.

Geesta kale Qorshayaashan Qaldan ee ay u shaqeeyaan Gudiga Dhulka Dawladda Hoose ayaa ah qayb ka ah Nidaamka Cadaalad-daro ee dalka hadheeyay ,gaar’ahaan Maxkamadaha Somaliland iyo Xukuumadda Axmed Siilaanyo..

Burcomedia.com

Burco Somaliland

Leave a Reply