OGAYSIIS SHIRWEYNAHA BEEL WAYNTA HABAR YOONIS EE WADANKA GERMANY

Filed under: Articles-Maqaallo |

2/11/2013,,,waxa magalada  Frankfurt ee wadanka Germany ka qabsoomi doona shir waynaha beel waynta habar yoonis ee ku nool wadanka Germany  shirkan oo ah mid aad loo soo agaasimay isla markaana kulmin doona HY ku nool dhamaan gobolada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay dalka Germany hadaba shirkan ayaa ah kii ugu meeqaamka sareeyay ee abid ku qabsadaan beel waynta HY wadanka Germany shirkan oo ah mid mudo la sugayay qabsoomidiisa ayaa waxayaabaha lagaga hadli doono waxa ka mida ah in la helo bulsho isku xidhan si looga qayb qaato dedaalada dhinaca horu marka ka socda.Hellow

dalka somaliland shirkan ayaa ah mid kulmin doona beesha qaybaheeda kala duwan sida wax garadka aqoon yahanka garabka haweenka iyo garabka dhalin yarada   waxa hadaba  laga cod sanayaa

 

cid kasta oo ka soo jeeda beesha hy  inay ka soo qayb galaan fursadan beeshu kaga tashanayso dhinacyada horumarinta arima bulshada ee deeganada beesha sida ka qayb qaadashada dhismayaasha wadooyinka cusbitaalada gooba wax barashada iwm ,,hadaba waxa laga codsanaya ka soo qayb galayaasha shirka inay dhawraan waqtiga uu shirku qabsoomayo ayaa ah 12 maalinimo ilaa 7 fiidnimo

 

aderska goobta ama cinwaanka uu shirku ka qabsoomayo waaxaad ka eegi karta hoos

 

Islamischer Verein Tarik Ben Ziad  e.V.

M?nchhofstrasse 24a

Stadtteil : Gallus

60326 Frankfurt am Main

Train station wayn ee Frankfurt haupt Bahnhof  hortiisa  waxa laga soo raacayaa

strassenbahn (tareenka wadadada sare dul mara).number 21, oo ku dhamaada isla

dariiqa m?nchhofstrasse ,korna ay kaga taalo inuu jihadaa  u socdo.

Ama sidoo kale Strassenbahn number 11, jihada  uu u sodaana ay tahay Zuckerschwitsrasse

ayaa  lagaga dagayaa M?nchhofstrasse  dabadeed waxa laga talaabayaa wadada Baabuurta

waxaana loo leexanayaa marka inyar la socdo midig oo markaa dariiqu number 1  ka bilaabmayo ilaa la gaadho number 24a.

qolada ku imanaysa baabuurta waxay isticmaali doonaan navigaterka haddii alle yidhaa.

 

 

gudida qaban qabada shira

 

maxamuud xasan ducaale ,  telfon nomber 015215318099

axmed kayse guraaye    ,          tel:                   017663487921

safiya maxamed gamadiid,,

maxamed cabdi yusuf,                                   015217683459

 

 

waa mahadsantiin

Leave a Reply