Qarax Khasaaro Sababay Oo Ka Dhacay Janaale Sh/hoose Ee Somaliya.

Filed under: Latest News |

Janaale-(BM)-Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee Gobolka Sh/hoose ayaa ku soo warramaya in Qarax khasaaro sababay uu ka dhacay deegaankaasi  kaasi oo lala bartilmaasaday Ciidamo ka tirsan dowaldda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa Bambaanada nuuca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray Bar kontarool oo ay Ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyay 2 qof oo mid Askari uu yahay ayaa ku dhintay 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa kadib Ciidamada dowladda ayaa furay Rasaas xoogan taas oo la sheegay in khasaaraha dhaawac ee ugu badan ee iyadu geysatay.

Maanta oo ah Maalinimo Khamiis ah ayaa dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen in ay tahay Maalinta ugu Mashquulka badan , Maadaama tan iyo baadiyaha ay isaga yimaadaan dad badan oo shacab ah oo iyagu Maantab oo kale u soo safra deegaankaasi Janaale.

 

Burcomedia.

Leave a Reply