Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Marko-caddey iyo Degaanka Janaale Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Ee Somaliya.

Filed under: Latest News |

Muqdisho(BM)-Qaraxyo loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan dawlada Somalia xilli ay ku sugnaayeen xaafad ku taalla magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Qaraxyadan oo gaarayey illaa labo ayaa wararka qaar waxayn sheegayaan nin wax khasaaro ah aysan u geysan ciidamadii lala beegsaday laakiin rasaas ay fureen ayaa waxaa ku dhaawacmay qof rayid ahaa kana dhawaa goobtaas.

Qofka dhaawacmay ayaa waxa uu ahaa ka mid ah ragga xamaaliga ah ee ku shaqeysta gaari gacanada waxaana dhaawaciisa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxana muddo kooban kacsaneyd xaalada goobtaas iyadoo gaadiidka iyo dadkana socodkoodu uu hakad galay.

Dhinaca kale, kooxo hubeysan ayaa isla maanta bam gacmeed ku weeraray ciidamo ka tirsan dowlada oo ku sugnaa degaanka janaale kuwaasoo goobta ka baxsaday lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Leave a Reply