Sheekh Somaliland Caan Ka Ah Oo Bishii Hore Xukuumadda Siilaanyo Sifo Sharciga Baal-marsan U Xidhatay Oo La Sii Daayay.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa shalay xorriyadiisa u soo celisay Sheekh Siciid Axmed Jaar oo ka mid ah Culimadda caanka ah ee sida weyn looga tixgaliyo Somaliland, oo ay ciidamada RRU  dabayaaqadii bishii hore ee August ka soo xidheen Saqdii dhexe Gurigiisa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Sida uu saxaafadda u sheegay Cabdixaliim Maxamed Muuse, oo ka mid ah ehelada Sheekha, Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa amarka sii daynta ah bixisay, ka dib markii ay sheegtay inay ku weyday waxyaabihii loo xidhay.

Qoraalka uu soo saaray Cabdixaliim Maxamed Muuse, wuxuu u qornaa sidan,

“Anigoo ku hadlaya magaca  Ehelka Sh. Siciid Axmed Jaar waxaan halkan uga mahad celinayaa dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee Amniga, Bahda Garsoorka  iyo guud ahaanba Xukuumadda JSL  soo daynta  Sh. Siciid Axmed Jaar oo taariikhdu markay ahayd 21 August laga soo xidhay gurigiisa magaalada Burco. Maanta [shalay] oo taariikhdu tahay Salaasa, October 1,2013  waxay Makamadda Degmada ee Hargeysa caddaysay in baadhis dheer ka dib lagu waayay Siciid Axmed Jaar tuhmaddii loo soo xidhay, waxaanay isla markaana ka raali galisay muddada uu tuhmaddaa u xidhnaa ee baadhistu socotay.

Waxaanu caddaynaynaa in Sh. Siciid A. Jaar  helay caddaalad, waxaananu Masuuliyiinta Amniga iyo Maxkamadaba ka rajaynaynaa in sida naloo ballanqaaday wiilkii dhalinyarada ahaa ee Sheekha la xidhnaa  Ismaaciil  Cabdilahi Cabdille isagana isla wiigan Maxkamadda la horkeeni doono kana filayno inuu caddaaalad la mid ah heli doono.

 Waxaan kaloo halkan uga mahadnaqayaa cid kasta oo ka hawlgashay soo daynta Sheekha, gaar ahaan  Odayaasha reer  Burco ee muddada bisha ka badan Hargeysa ugu sugnaa soo daynta Sh. Siciid  iyo Ismaaciil Cabdillahi, Guddiyadii kala duwanaa ee uu la shaqayn jiray ee Burco.  Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa iyada oo ay waajibkiisa ahayd Chief-ka guud ee  HY  Md. Ahmed  Mohamed Daahir (Axmed-Kayse) oo aan maalin ka nasan hawshaa.”

Sidoo kale Sheekh Siciid Axmed Jaar oo ka mid ah gudiga  Jaamacadda Burco  isla markaana ah Ganacsade caanka ah Somaliland ayaa Ciidamadda RRU ee Xukuumadda Siilaanyo bishii hore xili ay dadku hurdaan oo Saq dhexe ah sifo sharciga baalmarsan ugula baxday Gurigiisa magaalada Burco ,gurigaasi oo waxyeelo la gaarsiiyay ,Dubayaal Afar Askari Qabanayaana albaabadiisa lagu garaacay ,maatadii guriga hurudayna Handadaad ,Hurdo Xumo iyo Cago-juglayn loo gaystay iyadoon  danbi uu galay aaney jirin ,habayaraatee ,waxaana arintaasi si weyn uga cadhooday bulshadda ku dhaqan gobolka Togdheer qaybahooda kala gadisan.

Geesta kale xadhiga loo gaystay Sheekhan iyo xadgudubka Gurigiisa lagu weeraray iyadoo aaney jirin danbi uu bulshadda ka galay isla markaana hadii loo baahanyahay Waaran loogu yeedhi-karo ama Telephoon ayaa waxay tani cadaynaysa xadgudubyada iyo cadaalad-daradda aafaysay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo ee bulshadda lagu hayo iyo Haldoorka ,waxaaney arimahani qayb ka yihiin dhaqamadii lagu yaqaanay Xukunkii Kaligii Taliska ahaa ee Rajiim Maxamed Siyaad Barre ,oo Siilaanyo la soo shaqeeyay..

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply