Shirkii Midowga Africa Oo Laysku Raacay In Aan Madaxweynayaasha Africa La Maxkamadeyn karin Gabi’ahaanba.

Filed under: Latest News |

Addis-Ababa(BM) Shirkii Madaxweynayaasha Midowga Afrika uga socday Magaaladda Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa la soo gabogabeeyey iyadoo go’aanadii ka soo baxey ay ka mid ahaayeen in Madaxda Midowga Afrika ay isku raaceen inaan Madaxweyne ama ku sime madaxweyne aan looga yeeri karin Maxkamadda Denbiyada Caalamiga ah oo lagu xishmeeyo mudada ay kursiga madaxtinimo ku fadhiyaan.

Sidoo kale Madaxdadda Midowga Afrika ayaa qalinka ku duugay gabi’ahaanba in aaney aqbalidoonin in Madaxweyne Qaaradda u dhashay laga ashkateeyo Maxkamadda Huge ,oo ay xuseen in ujeedada loo samaystay ay tahay Wadamadda Sioo koraaya sida ay Africa.

 Dish

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafti uu hugaaminaayay ayaa  ka qeybgalay shirka Midowga Afrika oo ay ku wehliyeen Ra’iisul Wasaare Ku xigeen, ahna Wasiirka Arrimaah Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam, Wasiirka Gaashandhiga Mudane Abdixakiim Faqi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia iyo Midowga Afrika Mudane Ahmed Abdisalaam iyo mas’uuliyiin kale.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan gooni ah la qaatay Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, AMISOM iyo arrmaha ammaanka Soomaaliya.

Burcomedia.com

Hargeysa.

 

Leave a Reply