Siilanyo Oo Dalkii iyo Xisbigii Kulmiye Dib Uga Dhex Bilaabay Kooxaysigii Uu Xilligii SNM Sameyn Jiray By Daahir Xuseen.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa guud  ahaan  saxaafada “ascww”Ka   dib  waxey  somalidu  tidhaadaa  ”bahal cadhin ma daayo  nin  caadadii  ma  baajo”  .Waxaa  madaxweyne  loo  doortay  madaxweynha  hada  talada somaliland  haya  ee  siilaanyo, oo  hore  u  ahaa  gudoomiyahii  ururkii  SNM, waqtigaasi  oo  dad  badani  ku  eedeyn  jireen  in  uu  ururka  ka  dhex  bilaabey, jaah  wareer  iyo  qas  badan, waxaa  lagu  heshiiyey  in  la  is  cafiyo  oo  aan  dib  loo  eegin  dhibaatooyinkii  dhacey, isgana  maanta  talada  dalka  loo  dhiibo  oo  lagu  aamino,  la  isnkana  dhaafo  xumahii  iyo  kooxeysigii  hore  umada  u  soo  daashadey.

 

 

Waa  nasiib  daree  siilaanyo  Maba  dhaadin  balamahii  iyo  wax  isu  sheegii  ee  meeshii  ayuu  waxa  uu  wali  ka  sii  wadaa  kooxeysi  cusub  iyo  qabyaalad  iyo  xumaan  hor  leh.

 

Sideynu  la  wada  socono  waxa  uu  sheegey  in uu  maamulkii  xisbiga  kulmiye  wareejiyey  kuna  wareejiyey  gudoomiyaha  hada  ee  muuse  biixi  cabdi,  balse  ilaa  maalintaasi  mar kaliya  kalama   uu  bixin faraha,  kolba  wax  uu  soo  kjireystaa  mid  uu wasiir  ka  dhigo  iyo  mid  uu  xoolahii  ummada  ama  cashuurta  u  soo  dhiibo  oo  uu  yidhaado  waxaad  caaridaan  gudoomiyaha  xisbiga  ama  shirka  dib  u  dhiga,

 

Hadaba  iyadoo  dad  badani  ay  saadaaliyeen  in  uu  wali  siilaanyo  dadka  been  u  sheegaayo  ayaa  wax  in  badan  iska  dhaga  mariyey  gudoomiye  muuse  biixi  oo  isaga  laftiisu  ahaa  nin  ujeedo  badanlahaa  uguna  horeyso   bal  in  uu  xeedhada  salkeeda  gaadho.

 

 

Maalmo  ka  hor  ayay  ahayd  markii  uu  muuse  biixi  magacaabey  gudi  qa ban  qaabo  oo  shirweyne  ku  sheega  xisbiga  kulmiye  abaabusha  balse  waxaa  meesha  taala  horta  siilaanyo  ma  ogolyahey  shirka  maadaama  la  sheegey  in  uu  murashax  yahey?

 

suaashu  waa  iska  cadaan  in  aanu  ogolaneyn  in  cidi  la  tartanto,waxaanu  si  hoose  u  dirsadey  koox  isaga  u  olaleysa  oo  xildhibaano  iyo  wasiiro  isagu  jirta  waxaanu  amar  ku  siiyey  in  la  is  hortaago  gudida  uu  muuse  biixi  magacaabey  maadaama  uu  muuse  biixi  yahey  nin  leh  hanka  kursiga  uu  ku  fadhiyo,  waxaana  la  bilaabey,  buuq  iyo  in  la  carqaladeeyo  gudida  uu  gudoomiyaha  xisbigu  magacaabey  ee  sida  sharciga  xisbigu  dhigaayo  loo  marey  oo  ah  hab  sax  ah.

 

 

Maahmaah  somali ah   ayaa  tidhaahda  ”bahal ceydhin  ma  daayo  nin  caadadii  ma  baajo”  Siilaanyo  wax  uu  dalkii  dib  ugu  celiyey  kooxeysigii  waqtigii  Snm  waxaanan  maanta  la  marayaa  in  koox  koox  loo  kala  fadhiyo,waxaana laga  baqayaa  in  shirka  kulmiye  birta    la  iska  aslo  maadaama  habdhaqanka  siilaanyo  yahey  cadaawad  iyo  waxaan  doono  ayaan  sameynayaa  maadaama  aan  madaxweyne  noqdey  ee  Ilaahy  ha  inaga  nabad  yeelo  dhagarta  siilaanyo  dalka  ka  wado. amiin.

 

 

Wq: Tahir hussein (xumo diid)

waayo_aragman@yahoo.com)

Leave a Reply