Siilanyo Oo Guushii Xisbiga Kulmiye Siiyey Wasiir Xirsi iyo Samaale Dadkii Kalena By Axmed Haaruun.

Filed under: Articles-Maqaallo |
Marka hore  waxaan  ummada  muslimka  ah  leeyahey  ciid mubaarak,gaar  ahaan  dadka  reer  somaliland  iyo  somalidaba.

Illaahey  ciida ciidal adxada  khayrkeeda  hana  siiyo  sharka  iyo  qabyaalada  siilaanyona  ha  inaga  duwo.

 

Intaasi  ka  dib  waxaan  la  soconaa xumaanta  iyo  dhibaatada  uu  siilaanyo  ka  dhex  wado  ummada  somaliland  beryahan, danbe  isagoo  ummada  sanka  ka  marmarinaaya  nin  la  yidhado  wasiir  xirsi  oon  aqoon  iyo  dadnimo  uu  leeyaheyba  aaney  jirin, waxaana  loo  fasilan karaa  buun buuninta  wasiir  xirsi  arin  aan  ka  fogeyn  qabyaalad  iyo  eexeysi  reereysan.

 

Sidaad  la  socotaan  meelkasta  ama  xaflad  ha  ahaato  ama  howl dowladeed  ha  ahaato  ama  mid  xisbi  ha  ahaato  waxaa  magac looga  dhigaa  oo  lagu  suntaa  wasiir  xirsi,

 

Guusha  iyo  balan qaadyadii  xukumada  hada  uu  siilaanyo  hogaamiyaa  waxey  aheyd  mid  xisbi  ku  dhisneyd, hadana  waxaan  la  soconaa  in  xisbigii  noqdey  siilaanyo  iyo  wasiir  xirsi, oo  waajibaadkii  iyo  howshii  xisbiga  kulmiye  loo  gaar  yeeley  wasiirka  madaxtooyada  ee  xirsi  halkaasina  waxaa  ka  muuqata  in  siilaanyo  ku  jiro  dagaal  reeryesan  oo  cid  gaar  ah  magac  loogu  sameynaayo  halka  ragii  kale  ee  xiisbiga  ka  mid  ahaana  boodhka  lagu  darey.

 

Madaxweyne  siilaanyo  waxa  uu  xisbigii  kulmiye  guushiisii  siiiyey  shaqsiyaad  uu  kow  ka  yahey  wasiir  xirsi  iyo  wasiirka  maaliyada  oo  isna  dhiisha  ka  dhaansadey  qasnadii  dowlada.

 

Hadaba  siyaasada  ceynkaasi  ah  ee  uu  siilaanyo  dalka  ka  wadaa  ma  tahey  mid  lagu  guuri  doono  mise  waa  mid  dadka  iyo  dalka  lagu  burburinaayo.?

 

Waxaan  la  soconaa  in  dhismaha  wadada  ceeri  gaabo  la  qabyaaladeeyey  oo  waliba  meelo  ay  degto  beesha  siilaanyo  la  rabo  in  wadada  la  mariyo  halka  beelaha  kalena  laga  duwaayo.

 

Maanta  oo  caawa  ciidi  soo  galeyso  waxa  uu  siilaanyo  si  xoog  iyo  sharci  jabini  ku  jirto  xil  kordhin  ugu  sameeyey  gudi  uu  sharcigeedii  dhacey  oo  aheyd  in  ka  hor  xilka  loo  kordhiyo, balse  waa  ujeedo  uu  uga  gol leeyahey  in  uu ku  xumeeyo  xisbiga  ucid,

 

Isku  soo  wada  duub  oo  siilaanyo  waxa  uu  dagaal  kula  jiraa  reero iyagu  xilkan  maanta  in  uu  gaadho  ka  danbeeyey , ayaa  la  odhan  karaa  amaba  beelo  gaar  ah  oo  dadka  inta  badani  ay  iska  garan  karaan  reeraha  sida  cad  dagaalka  loogu  qaadey, taasina  waa  cadaan.

 

By  axmed haaruun.

axmedhaaruun@yahoo.nl

Leave a Reply