Suldaan Reer Burco Ah Oo Si Weyn U Cambaareeyay Mudo Kordhinta Siilaanyo U Sameeyay Gudigii Diiwaangelinta Fariina U Diray Mucaaridka.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Suldaan Maxamed Muuse Cune (Faarax-dayr) oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Togdheer ayaa si weyn u cambaareeyay mudo kordhinta sharci-darada ah ee Siilaanyo u sameeyay gudigii dhacay ee diiwaangelinta ururadda xiligii doorashooyinka golaha deegaanka ee Xukuumadu boobtay.

Suldaanka oo u waramay Shabakadda Burcomedia magaalada Burco ayaa ku tilmaamay mudo kordhinta aan meelna haysan ee Siilaanyo u sameeyay gudigan shaqadoodii dhamaatay in dalka lagu khal-khalinaayo amnigiisa islamarkaana waxa uu ugu baaqay axsaabta Mucaaridka iyo bulshadda Somaliland  in ay wada jir uga hortagaan sharci burburinta iyo amnidaradda Xukuumadu dalka ka wado Waxuuna yidhi.

“ Waxaan si weyn uga cambaaraynayaa mudo kordhinta uu Siilaanyo u sameeyay gudigii diiwaangelinta ee shaqadoodii dhamaatay ,kuna fashilmay hawshii hore ee loo igmaday.

Waxaanaynu ognahay in uu Siilaanyo musharax yahay marka ay mudadiisu dhamaato ,sidaa awgeed waxa uu doonayaa gudigan in uu ku boobo codka shicibka sidii hore-ba u dhacday . Waxaanan halkan ka cadaynayaa oo umadu ogtahay in Gudigii diiwaangelinta iyo Komishankaba wakhtigoodii dhamaaday ,xaq-na uma laha in uu Siilaanyo mudo kordhin u sameeyo ,markaa waxaan uga digayaa Siilaanyo hadii uu ka joogsan-waayo falalka noocan ah ee dalka nabadgelyadiisa lagu khalkhalinaayo bulshadana layskaga horkeenaayo wixii ka dhaca isagaa masuuliyadeeda qaadi-doona “ Sidaasi ayuu Suldaanku yidhi.

Sidoo kale Suldaan Maxamed Muuse ayaa fariin culus u diray axsaabta Mucaaridka iyo Bulshadda Somaliland wuxuuna yidhi .” Dalka mucaarid xoogani kama jiro oo ka horyimaada maamul xumada Qabyaaladda naaxday ee barartay ee dhaqanka u noqotay Xukuumadda Siilaanyo ,markaa waxaan ugu baaqayaa Mucaaridka in ay mucaaradnimadooda xoojiyaan oo ay midoobaan kana hortagaan falalka xun xun ee Xukuumadu wadanka ka wado iyagoo shicibka iyo taageerayaashooda adeegsanaaya .

 

Geesta kale Suldaanka ayaa usoo jeediyay axsaabta Mucaaridka in ay samaystaan Ilaacad madax-banaan oo ku hadasha afka shicibka isla markaana usoo gudbisa dadweynaha dhibaatooyinka iyo Musuq-maasuqa Xukuumadu dalka ka wado.

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

 

 

Leave a Reply