Taliyaha Booliska Burco Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Hawlgalo Labadii Habeen Ee U Danbeeyay Ay Boolisku Burco Ka Wadaan Iyo Dad Ay Qabqabteen.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)Taliyaha qaybta Booliska gobolka Togdheer Gaashaanle Axmed Cabdi Raxmaan Ilkacase  ayaa sharaxaad ka bixiyay hawlgalo ay ciidamadda boolisku magaalada Burco ka wadeen labadii habeen ee u danbeeyay.

Hawlgalgan oo ay Ciidamadda boolisku ku qabqabteen tiro dad ah ayaa guud;ahaanka Tan iyo Xalay ka socotay wadooyinka magaalada Burco iyo waliba qaar ka mid ah xaafadaha ,waxaana baadhistan lagu baadhayaa badi gaadiidka  wadooyinka isticmaalaya.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer Gaashaanle  Axmed Cabdiraxmaan oo Shabakadda Burcomedia  wax ka waydiisay hawlgalkan ayaa sheegay in uu socon-doono mudo ,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa.

“ Hawlgalkani ilaa xalayto waanu wadnay ilaa maanta  ,wuxuuna soconayaa mudo ,waxaanu ka mid yahay hawlgalada lagu xaqiijiyaano xoojinta amniga gobolka ,gaar’ahaan magaalada Burco ,waanu ka balaadhanyahay hawlgalkani kuwii hore ee boolisku magaalada ka fulin jiray.

Waxaana jira dad la qabqabtay oo aanu ku soo qabqabanay hawlgalkan boolisku wado ,baadhis-baana ku socota ,waxay yihiina waa la cadayn-doonaa  ,sidoo kale qaar kale oo aanu ku dabo-joog-naana way jiraan “ Sidaasi ayuu Taliye Ilkacase yidhi.

 

download

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply