Waa Maxay Caqabadaha ku horgudban Hanka Siyasadeed ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen..???

Filed under: Latest News |

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa rasmi uga sharaxan  Jamaal Cali Xuseen, Murashaxa Madaxwaynaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, , waxaa uu xisbiga Ucid soo gaadhsiiyey jaranjarada xisbinmo ,ilaahay baana u soo diray, waa masuul aan ku abtirsan oo ka Madhan isagu ,waxyaalaha caadada u noqday siyaasiyiinta kale sida cayda , aflagaaedeynta qaybaha umaddaha kale .
Md.Jamaal Cali Xuseen waxaa uu maanta ka haystaa taageero buuxda , siiba dadka aqoonta la saxiibka ah , sida dhalinyarta haweenka iyo dhamaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay , iyagoon hab qabiiliya ku taageerayn, ogsoona in Jamaal yahay ninka kaliya ee hogaan hufan noqon kara ama sameyn-kara , cilmi iyo waayo aragnimana u leh maamul wanaag , saldhig u yahay cadaalad, waayo-arag , aminaad, daacadnimo iyo hawlkar.
Md, Jamaal Cali Xuseen caqabo badan ayaa ku hor-gudban,  oo hadaanu qodaxdeeda iska gurin , waxaa dhici karta, isagoo gegi cidla ah taagan, waxaana jira qolooyin is gashaan-buureystay, oo dadaal ugu jira , siday u burburin lahayeen Xisbiga Ucid iyo hankiisa siyasadeed.
Aqoonyahan Jamaal ayaa dejiyey qorshe dibu-habeyn lagu sameynaayo Xisbiga Ucid, si uga gudbo mushkiladaha siyasadeed ee kaga furan gudaha xisbigiisa Ucid , iskana fogeeyo dadka kale u fahmo inay hagardaamooyin u soo jiidi-karaan.
bal aanu soo qaadano caqabadaha ku hor-gudban Aqoonyahanka:-
Xisbiga Ucid Dhexdiisa :- Md. Jamaal isla-markii uu ku biiray Ucid waxa u soo galay , Gud xisbiga oo ah shaqsi isbed bedel siyaasadeed oo sida dabayl xagaaga u socda,  oo uu maalinba cayn yahay  iyo Gud ku-xigeenka sadexaad oo aan u aabo yeelin cayda beelaha kale ee xisbigu codka uga baahnaa iyo amaanta beesha uu ka soo jeedo keliya.
Arimahaa iyo kuwa kale oo Jamaal qarsanayey , waxa ay ku khasabtay, bal inuu sameeyo ugu danbeyn, afhayeen Xisbiga Ucid leeyahay oo isagoo keliya uu ku hadli karo afka xisbiga Ucid , si looga baxo jaantaa-roganta , caado u noqotay Feysal  iyo Cali gurey  , waxaana ganafka ku dhuftay magaacibadaa gudoomiyaha xisbiga Ucid oo sheegay , in qofkii doonaa uu sida doono u hadli karo, xisbiga uu isagu xukumo.
Beesha uu ka soo jeedo Md.Jamaal:- dhibaatada ugu weyn kale ee Md, Jamaal qarsanaayo ayaa ah iyadana , beesha uu ka soo jeedo oo dagaalka ugu weyn ku haysa hankiisa siyaasadeed, sida Dan iyo Duco oo loo qaadan-karo ficiladeeda  , sidii Jamaal iyo beelaha qaar loo kala go’geyn lahaa, isla-markaana loo kala fur-furi lahaa, oo isaga looga hor-keeni lahaa, si ay u-fusho oo ay ugu fududaadaan sifeyaashii qarsoodi noqon-kara, in Jamaal Cali Xuseen khadka la weydaariyo , ayagoo u anaynaaya in Md, Jamaal hankoodii siyaadeed soo dhexgalay, cirka kaga soo dhacay , taas waxaa kuu cadeynayaa, in maayarkii Berbera ay Dan Iyo Duco u cumaamaday iyo Xoghayihii Dan Iyo Duco iyo tageerayashoodii, laga qasbay inay Jamaal adhaxda ka jebiyaan , iyagoo leh waxaanu u digo roganay Xisbiga Kulmiye .
Waxaanu  aragney daqaalka qaawan ee xubno Beeshaahi,  kula  jirto xisbigii Ucid oo xubno degaan oo xisbigaa ahaa ay xubno ka midda Dan iyo Duco ku khasabtey in ay khasab-ku-balweeyaan oo ku biiraan xibul-xaakimka kulmiye, iyada oo u-jeedada ka danbeysana siyaasiyiintu ka wada dheregsan tahay, soo dhaweynta Maayarka iyo xildhibaanka kale ee xisbiga Kulmiye ku soo biiray ,kana soo baxay Xisbigaoodii Ucid ay tacabka badan geliyey.
Arrintaasi dhacday waxay Dhabar Jab Ku tahay Xisbiyada Mucaaridka, Gaar Ahaan Xisbiga Ucid Oo Awelba Dhitinaayey, Una Dhitinaayey maamul Siyaasaddeed oo Xisbigaasi Ka Soo Gaadhey Maamul Xumo Iyo Jaah Wareer Siyaasadded Oo Ay Xisbigaas Badeen Hoggaanka Ugu Sareeya Ee Xisbigaasi Hor Booda sida Gudoomiyaha Ucid Feysal Cali Waraabe Iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Cali Gurey oo Barnaamujkoodii Iyo Hadafkoodii Siyaasaddeed Isugu Soo Ururay Oo Keliya Dhaleecayn Iyo Cayda Xaafaddaha Kale, Taas Oo Keentay In Xisbigaasi Laga Haajiro. isla-markaana Uu Meel Cidla Ku Soo Dhaco, Iyada Oo Xisbigaa Ay Xaaladdiisu Marayso, Xabaal Iyo Ninkeedii Loo Kala Teg.
Waxaa qofka dareensanyahay dagaal qaawan oo cadaan ah iyo mid daaha dabadiisa laga wado oo joogto ahaa ilaa mudo dheer Md. Jamaal ku socota , taas oo ummadda S/land oo dhami ay mar-khaati ka wada  tahay.
Waxaanu Jamaal Cali Xuseen ka codsaneynaa in uu soo celiyo kalsoonidii guud ee beelaha ama dadka S/land  ay ku qabili-lahayeen ama ku kasban lahaa taagerida xisbiga Ucid , oo aanu cidna ugu hamran ,inta uu waqtiga hayso ,isla-markaana , uu ka takhuluso  fara gelinta hoose ee Siyaasiyiinta Xisbigiisa iyo beeshiisu ku hayso Kursigiisa Musharaxnimada .
Tusaale waxaa kuugu filan , haddii aad warbaahinta akhrido ama aad daawato ,waxaad isku-kaa qabanayn , tageerada xisbigu u baahnayahay iyo sida  colaada  shaqsiyaadka kooban ee la baxay Gudoomiyihiisa Ucid G/Saaxil , iyadu marka ay hadlayso aad is odhanayso malaa xaajiyaduna , dadka xisbiga way ka eryeysaa, marka ay beel canbaareyso, mid amaan huwiso sidii cali gurey oo kale , oo aad is-odhanayso malaa Gudoomiye Xisbi maaha , ama ay ku hadlayso af beel, ama naqdinta xafaladaha horumarinka G/Saaxil, sida Laaso-dawaco oo kale.
Waxaa ka sii daran Dan Iyo Duco,  oo iyaguna ahaa kuwii unkay Maayarka Berbera , isla-markaana muruq iyo maalba geliyey, iminka dib uga soo celiyey oo ay dowladda heshiis ay la galeen , ay dib uga noqdeen hawshii lagu amaanayey  , sidaasi maayarku ugu biiray  , ay doonaayaan in ay u- noqdaan guul-wadeyaasha darban ee daba-dhilfka ah ee dalabka  siyaasiyiin beesha ah ugu –shaqeeya, una soo tafa-xaytay , inay Jamaal cali Xuseen ka ciideeyaan musharaxnimada Kursiga.
Xubno ka midda Ururka Kulan Uk, ayaa ah iyaguna mushkilada kale haysta Musharaxa Jamaal Cali Xuseen, oo warsaxafadeed ay ku suntaan ,markasta magacooda dadka u tusa inay xisbiga Ucid umadda ka xigaan oo uu yahay mulki ay iska leeyihiin , iyaguna magaca wax walba kula shuraako ah, waxii dan iyo duco toos uga soo fula,  si toosa uga qayb qaata , xafladna ugu qabta Uk , oo aad moodo inaanay ka hadhayn hadafka Dan Iyo Duco, qalad iyo saxba.
Waxaan leenahay Md, Jamaal Cali xuseen ,bal Marxuun Cigaal (AHN) bal habdhaqankii taariikhdiisa siyasadeed  dib ugu noqo, sida xubno Dan iyo Duco  wanted ayuu ka dhigay , halka qaarkalena uu dil ula badheedhay markii uu qalin-daarka ka deyn-waayey iyo kuwa kale oo iyagana geed dheer ayuu ku xidhay, halka qaarna markii ay xamili-waayeen ka soo furay, bal Jamaalow. Inadeer  dib ugu noqo taariikhda siyaasada beesheena , ma odayaal Dan iyo Duco ama qaar sheegta Kulan ama gudoomiye Xisbi oo G/Saaxil jooga oo maalin kasta waxii aad qabatay , dhinaca kale u roga,  miyey kuu soo jiidayaan, mise waa qawda maqashii waxna haw qaban.
Haddii maanta aad dib ugu noqoto Jamaal labada xisbi ee kale Wadani Iyo Kulmiye , ma arkaysid afhayeeno sida Gudoomiyaha u magaacaban Gobol ka midda Somaliland ee Ucid ,Xog-hayaha Guud ee  sheegta magaca Qurbo Joogta Ciise Muse ee Boqortooyada Ingiriiska KULAN- UK, ama Xubno magaca Dan Iyo Duco oo kale ah Iwm , oo dhamaantood ku leh Xisbiga Wadani Iyo Kulmiye  ayaanu ka wakiilnahay oo aanu soo saaraynaa, waxaana aanu nahay reer hebel Bal adba.
inta badan siyaasiyiinta guul ka gaadha hadafkooda,  ma qaataan waxii aan waafaqsaneyn hab maamulkiisa ama yoolka siyaasadeed ee uu hiigsanaayo, sida odayaasha xigtadiisa ah iyo aabihii hadii uu joogo, si aan loogu sawirin,ama loogu eedayn, xisbi beeleed.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxaa laga rabaa in lagu shaanbadeeyo ama laga dhigo beel sida Tuke Baal Cad Iyo Qawda Maqashii waxna haw qaban, lakiin Aqoonyahan Jamaal waa Halyey Qaran.
Tollow maxaa waxii isbedel wanaagsan ee Jamaal qabtay loo bahdilayaa…sida Abwaan hore sheegay……
nafta waxan ku baantaa
badhidiyo leggiisee
maxaa beydantaydiyo
gabadhayda baydiyo
boqorkiyo dhaclaa xidhan
bidix loogu rogayaa ?
tolow waxan bireeyaba
maxaa booli tuugiyo
bakhti looga dhigayaa ?
Dadku beretan guuleed
u biyeysey weelkoo
baroor iyo ninkiisii
ka baxsade habaaskee
haddii boodhku igu dhaco
baqalkay la gaabshee
nin bursaday halkiisee
intayada baraarkiyo
burrusyada ku joogtaa
barbarraannu noqonnee
maxaa aniga baas iyo
tuke baal cad iga dhigay ?
Hadaba su,aasha meesha taalaa waxay tahay,  markay intaasi oo dhacdo oo isdaba yaal meesha soo galeen , ma musharaxa Jamaal Cali Xuseen ayaa kaga raaliya oo siyaasad cusub oo aan shacabka reer somaliland loo sheegin ayuu cagta saartay,  mise Siyaasiyiinta Ucid iyo beesha ayaa la daalo dhacaaya siyaasadii xisbiga Ucid ka lahaa iyo tageeraddii uu ka rabay Somaliland, xagay Salaadu ka Xidhmi la,adahay?!
Waxaanu Leenahay  Jamaal Cali Xuseen hadii aad beelaha kale ee S/land wax-garadkeedii aad u-diidey in ay kula furaan kulana xidhaan Hawsha Ucid albaabadeeda , Ma waxaad garanweydey hintaaqada iyo hagar-daamada ka-daaya dheh inta magacaaga sidata iyo colaada beeleysan ee joogtada ah ay beeshaadu ku hayso !!!  “Baadidda nin baa kula day dayi, daalna kaa badine’ oon doonahayn inaad heshona daa’in abidkaaye dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayne Dallona ma laha aakhiro, haddii loo kitaab dayo’e”
Waa amuur alleh iyo arin ugub ah oo umadda Somaliland  ay arkeen sanadkaa maanta ah  !!!! sida miskiinkaa looga ciideynaayo kursigiisa musharaxnimada.

 

Alleh ayaa Mahad Leh.
Waa-Bilaahi-Towfiiq
Sidiiq faarax jama(Dhiin)
Hargeysa-S/land

Leave a Reply