Wafti Aqoonyahano Ah Oo Ka Socda Ismaamulka Somalida Itoobiya Oo Kormeer Ay Ku Qiimaynayaan Bilicda Magaalooyinka Burco Ku Tegay..

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Wafti Enjineero ah oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa Somaliland oo ka shaqeeya bilicda magaalooyinka iyo dhiirigalinta Dawladaha Hoose ,fadhigooduna yahay magaaladda Jig-jiga ee xarunta Ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Download Horizon 1.jpg (640.1 KB)

 

Waftigan oo ay magaalada Burco ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Burco ayaa kormeer ku maray qaybaha ay ka koobantahay magaaladda Burco ,si ay usoo indho indheeyaan isla markaana dawladda Hoose usiiyaan talooyin ku saabsan kor u qaadida Bilicda iyo Nadaafadda magaalada .

“ Waxaanu nahay Enjineero ka socoda Company-ga East Horizon oo ka shaqeeya ,dhiirigalinta shaqooyinka Dawladaha Hoose iyo kor u qaadida bilicda magaalooyinka ,sida dhismayaasha wadooyinka ,Town-Plan-ka iyo Nadaafadda ,waxaanu kormeer ku maraynay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ,waxaananu imika soo maray magaalooyinka Hargeysa ,Berbera iyo Burco .

 

Waxaananu Burco ku aragnay ,waxa ka duwan muuqaalkii aanu ka haysanay ,markaanu xaafadaha magaalada booqanay ,bilicda magaaladu way fiicantahay ,Nadaafadeeduna markaad magaalooyinka kale eegto aad ayay u fiicantahay ,xiitaa wadooyinka iyo dhismayaasha xaafaduhu waanu u bognay ,inkasoo ay jiraan meelo u baahan in dib loo eego. Dawladda Hoose-na waxaanu leenahay waxna waad qabateen oo way muuqataa waxbadan oo kale-na way idiin hadhsanyihiine ,halkaasi ka sii wada “ Sidaasi waxa yidhi Enj. Bashiir Ibraahim oo waftigan u hadlaayay mar’ay Saxaafadda Burco la hadlayeen.

 

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Maayir ku xigeenka Burco Muxumed Xasan Jaamac ,waxaanu u mahadnaqay waftigan  waxaana hadaladiisii ka mid ahaa. “ Marka hore aad iyo aad ayaanu idiinku soo dhawaynaynaa magaalada ,waxaana noo farxad ah in aad Burco xaafad xaafad u dhex-martaan si aad uragtaan waxaanu qabsanay iyo wixii noo dhiman-ba markaa Dawlad Hoose ahaan wixii aanu qabanay mudadii yarayd ee aanu joognay waad aragteen ,waxaanu awooda saaray marka kowaad gurista Qashinka  iyo ilaalinta Nadaafadda ,idinkaana noo qiray oo waanu ku guulaysanay ,wixii kale ee naga qabyo ah-na qorshaha ayay nooqu jirtaa in aanu qabano ,talooyinkaad na siiseena waanu qaadanay “ Sidaasi ayuu Xoday hadalkiisa kaga baxay.

 

Geesta kale waxa iyana kulankaasi ka hadlay Xoghayaha Dawladda ee Burco Cismaan Sheikh Cismaan Nuur iyo Xildhibaano ay ka mid ahaayeen Siciid Axmed Raage iyo Axmed Afyare waxaaney dhamaantood u mahadnaqeen waftigan Enjineerada ah.

Burcomedia.com

Burao Somaliland.

Leave a Reply