Wasaaradaha iyo Xafiisyada Dalkeena Ha Loo Sameeyo Hab Uu Baaskeel-Curyaanku Ku Galo, By Hassan Maal.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxa hada ka socda guud ahaan Somaliland gaar ahaan caasimadda dib u habayn iyo qurxin baaxad leh oo aan hore caasimadda u soo marin hawshaas oo kala dhantaalan hadii laga reebo meel baaskeel-curyaanku ka galo xafiisyada, wasaaradaha, cusbataalada, dugsiyada iyo goob kasta oo ay adeeg uuga baahdaan. Waxa ka mid ah arrimaha laga qabanayo: 

  • dhigida balaad qurxoon oo isku wada eg oo la dhigayo dhamaan inta u dhaxaysa laamiyada iyo meheradaha ku soo jeeda
 
 
  • u samaynta laamiyada rasiif ama qaybtii socodka dadka lugaynaya iyo baaskeel-curyaanka, laydhkii dariiqa, biyo shub iyo nalkii baabuurta kala hagayay, iyo kaabado lagaga talaabo meelaha xaarwadooynka ah
 
  • Boodhadh waaweyn oo qurxoon oo muujinaya sawiradda madaxwynayaasha Somaliland, sawiro muujinaya xasuuqii iyo qoraalo muujinaya taariikhdii dalka oo lagu qotamiyo meelaha ku haboon ee jidadka muhiimka ah ee caasimadda
 
  • Samaynta gidaar-taariikheed lagu qoro dhamaan magacyadooda oo saddexan 50 000 (konton-kii-kon) ee isugu jiray mujaahidiintii SNM iyo dadkii kale ee Faqashtu xasuuqday sanadkii 1988kii, si caalamku uuga garaabo gooni isu-taaga Somaliland oo ay uugu noqoto xusuus iyo taariikh carruuta yar-yar ee hadda iyo kuwa iman-doona mustaqbalka fogba. Goobta ku haboon mashruucaasi waa: wajahada khayriyadda ama halka ay taalo hadhaaga diyaaradii Faqashta ee dadka laysay ee SNM ka soo riday sanadkii 1988kii. Waxay diyaaradaasi u baahantahay in kor loo yara qaado oo meeshana balaad lagu qurxiyo si dalxiiska iyo qurbajoogtuba u daawadaan uuguna cibro qaataan
 
  • Curyaamiintu oo ay mujaahidiintiina ku jiraani waa qayb muhiim ah oo ka mid ah bulshadeena. Waxay xaq u leeyihiin in ay helaan wax kasta oo qofka cagaha qabaa u baahan yahay sida: waxbarashada, adeega caafimaadka, galista wasaaradaha iyo xafiisyada kala duwan ee dawladda iyo shacakaba.                                Ilaa iyo hada, dhamaan dhismayaasha dalkeeno waxay u muuqdaan qaar loogu talagalay oo qudha dadka cagaha qaba, sidaa awgeed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Maayarka caasimaddu waa in ay isbadalka iyo horumarka baaxadda leh ee ay dalka ka bilaabeen ku daraan arrinkan muhiimka ah. In curyaamiintu ka degaan baaskeeladooda oo ay dhulka jiitamaan markay muraad xafiiysada u yeeshaa waa meel ka dhac  qaybtaa qaaliga ah ee ay ku dhex jiraan mujaahidiintii dalka xoraysay iyo qaar kaleba.
 
  • Waa in wasaaradaha iyo dhamaan xafiisyada dalkeena dhakhso u yeeshaan marinkii ay baaskeel-curyaanku ku gali lahaayeen si ay u muuqato xadaaradda, ilbaxnimadda iyo isku naxasriisashada reer Somaliland si dabeeto ILLAHAYNA inoogu wada naxariisto oo dalku u helo aqoonsi caalamiya

 

Xasan Cumar  Maal.