Wasiir-dawlaha Maaliyadda Oo Eedayn Ay Guul-wadanimadu Ka Yeedhsiisay Kula Dul Ku Fay Xisbiga Wadani Oo Naqdiyay Miisaanayidadda .

Filed under: Latest News |

Hargeisa-(BM)-Wasiiru- Dawlaha Maaliyada Xukuumadda Siilaanyo ee Guul-wadayntu daashatay Cismaan Saraxdiid Caddaani ayaa eedayn iyo dhaleecayn aaney gayin kula dul kufay axsaabta Mucaaridka ,gaar’ahaan xisbiga Waddani iyo  masuuliyiin ka tirsan xisbiga laftiisa oo shalay soo saaray war-murtiyeed ay ku naqdiyeen miisaniyada sanadkan 2013-ka kuwaasi oo banaanka soo dhigay dhaliilo,surmoseegtooyin,fool-xumooyin iyo fadeexado dul-hoganaya miisanayada xukumadu Siilanyo ay doonayso in la ansaxiyo.

Sidoo kale Guul-wade Wasiir Caddaani wuxuu kaloo xusay ujeedada uu daaran yahay safar uu sheegay in isaga iyo wasiirka madaxtooyada Xirsi cali Xasan ku tegi doonaan Ceerigaabo Maalinta Ciidda oo uu ku sheegay inuu la xidhiidho wadada Ceerigaabo oo guddi Xukuumiya oo madaxweyne Siilanyo u xulay labadooduba ka mid yihiin waxaana hadaladiisii ka mid ahaa .

 “shalayto oo maalin cibaado ahayd ayay xisbiga Wadani qabteen shir jaraa’id, waxaan is-lahaa maalmaha ciidaha ee la faraxsan yahay waxay la qaataan xaasaskooda iyo qoysaskooda oo wax cay iyo aflagaado ah afkooda ka soo bixi mayso laakiin Waxaa runtii cadaadatay, dadweynahuna ila arkeen in hadal aan hore u sheegay oo ahaa xisbiyada mucaaradka waxaa ka soo hadhay oo keliya inay ku seexdaan oo ay ku soo toosaan maxaad abuurtaan oo madaxweynaha iyo dawlada ku saydhaan run noqday”.

Wasiir cadaani oo weli daba socda naqdiyidii iyo tafniididii masuuliyiinta Xisbiga Wadani ku sameeyeen miisaniyada sanadka 2013ka wuxuu yidhi “waxaan u cadaynaynaa dadweynaha Somaliland in ragii xagay ka hadli lahaayeen qodobo ay dawlada kaga  soo horjeedan ay ka hadleen qodobo been abuura oo cad”.

wasiirku isagoo weli hurgufaaya eeddo uu soo urursadey oo uu u hayo xisbiga Waddani oo qaarkood madaxtooyada looga soo dhiibay wuxuu yidhi ““ Ninka Dhaleecaynaya Wadada Ay Qaranku sameysanayaan ee ka soo horjeeda, Ee maalintii Foodkana (Codayntana) lahaa yaan la Ansixin ama ha lagu mudaharaado, maantana waxay u soo jeesteen kuwii hawlgabka ahaa ee naftoodii iyo maalkoodiiba u soo huray dalkan aynu maanta ku naaloonayno nabadiisa, waa wax laga xanuunsado run ahaantii, waana wax laga dhiidhiyo”.

Geesta kale Wasiir Dawlaha Maaliyadda Siilaanyo oo markii hore qurbaha ku noolaa intaan xilka loo magacaabin ayaa markii xilkan la siiyay awoodiisu hoosayso shaqadiisii noqotay aflagaadooyin iyo jawaabaha mucaaridka ama haldoorka Somaliland ee dhaliila ,qaladaadka Xukuumadda Siilaanyo ,waxaaney arintani dhulka jiiday Sumcadii iyo taageeradii uu wasiirkani ku lahaa qurbaha ama Somaliland .

Waxaana arkaysaa dadweynaha oo Tv.yadda iska xidhaaya marka uu wasiir dawlahani soo fadhiisto ,waxaana dadka siyaasada Odorasaa ay ku sheegayaan in cadaani aaminsanyahay in aflagaadada iyo cayda uu xilkiisa ku sii joogaayo ama uu ku dalacaayo ,balse waxa cad in uu dhulka is jiiday.

  

Burcomedia.com

Hargeysa.

Leave a Reply