Wax Qabadka Xukuumada Siilanyo Inta Beenta Iyo Indho Sarcaadka Iyo I Arkaay I Maqlaayda Ah Ayaa Ka Badan Inta By Muj. Cali guray …..

Filed under: Articles-Maqaallo |

“Booboow Jac”xaga caruurta waa xeer hadii lagu heshiiyo “kula lihi” ma jirto. Waa nin iyo wixii uu gacanta ku dhigo oo isagu uu iska leeyahay. Mararka qaarkood caruurto waxay wax u kala yeeshaan siday u kala sheeg taan inta aanay gacanta ba ku dhigin wixii ay heleen. Ka ugu horeeya ayaa hororsada oo yidhaa “LIHI” mid labaad ayaa ugu hor yidhaa”KULA LIHI”. Musuq maasuqu maanta Somaliland sidaa kama duwana waa booboow Jac, lihi iyo kula lihi.

Wax qabadka xukuumadan inta beenta iyo indho sarcaadka iyo i arkaay i maqlaay da ah ayaa ka badan inta runta ah. Inta wax qabadkoodu lilaahida yahay ee wax qabataa maaha kuwa dadka jaho wareeriya ee loogu hadal haynta badan yahay sida wasiirka madaxtooyada iyo kooxdiisa la matasha riwaayadda “INDHO SARCAAD” ee ah iyagaa iska haw haw leh xaga bari ka laba gura ee kuligeedba ku socota lacag urursiga, hadana warbaahinta day dawladdu gacanta ku hayso oo runtii aad uga hoosaysa kana liidata tii cahdigii Siyaad Barre ay wax qabadka iyo horumarka ku sheegayso.

Mudadan ugu dambaysay dardargelinta boobka hantida dadwaynaha ee kor iyo hoos ba loo guranayo waxa laga geliyay dardar cusub oo aan wax la hambaynayaa ba jirin waana qorshe uu hogaaminayo wasiirka madaxtooyadu oo hadhka cad tiriig sita oo meel uu dhaafayo iyo wax uu reebayo midna jirin. Wasiirka madaxtooyadu waxa laga yaabaa in aanu isagu ahayn KAABO LAADARO HA ee ay jirto cid la qadhaabanaysa oo xaga dambe u fadhida oo gaadh u ah gaadhna ka ah.

Sanadkan ugu dambeeyay oo keliya inta la lunsaday ka badan sideedii sanadood ee Rayaale madaxwaynaha ahaa intii la lunsaday. Weliba waxa ka daran awel cadaha qaar baan kuwii hore u hunguroon jirine kuani waxay ka dikhoonayaan iyo cad aanay u hunguroonayn ama ay ka caagan yihiin ilaa qanjidhku ma jiro. Kolkay shinida caydha ah yihiin waxay ka daran yihiin markay sidii yeey tulud heshay meel ku degaan. Yeeyda( wild dogs) tuludda ay qabsadaan sida libaaxa uma dilaane isagoo taagan oo nool ayaa midba badh goostaa. Iyagoo neefka intii badnayd cunay ayuu weli hadana neefkii sii ciyaa, hadda intii badnayd ba caloolahooda ayay ku jirtaa. Kooxda hal yeeygu waa wasiirka madaxtooyada, isaga halka halka la bartilmaameed sanayo cayimo, ma wadaa, ma cashuur baa, ma takaaliiif baa, ma biyahahaa, ma shidaalka iyo haamahaa meel la dhaafayaa na ma jirto, cid hadlaysaa ma jirto, cid joojinaysaa, xaalku waa ha ku socoto sidii loogu talo galay.

Hada ogow inanku weligii intii uu noolaa xafiis dadwayne oo masuul uu ka noqdo waa kii ugu horeeyaye. Maxaa filay saan kaas oo xariif magaalo noqda isagoo badow la kor dhebay ah ayuu qalaylka inoogu xiiraye.

 

Ali Mohamed Yussuf (Cali Guray)

Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID

Leave a Reply