Xildhibaan Daboolka Ka Qaaday Xukuumadda Siilaanyo In Ay Ku Fashilantay Balanqaadyadii Ay U Samaysay Jidka Burco Iyo Oodweyne.

Filed under: Latest News |

Oodweyne(BM)Shirjaraa’id oo maanta uu ku qabtay magaalada Oodweyne ee xarunta Daad-madheedh Xildhibaan Ibraahin Maxamed Nuur (dhirqeeye)  oo ka mid ah golaha deegaanka Oodweyne ayaa naqdiyay balanqaada bugta ah ee Xukuumadda Siilaanyo u sheegi jirtay bulshadda ku dhaqan Daad-madheedh ,gaar’ahaan dhinaca dhismaha Jidka isku xidhi-doona magaalooyinka Hargeysa ,Oodweyne iyo Burco ,taasi oo ay Xukuumadda Siilaanyo ku fashilantay in ay gacan ka gaysato .

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ku macneeyay  Xukuumadda Siilaanyo ,in ay caadaysatay inta ay Dhag-xaan dhigto meel in ay marka danbe-na iskaga tagto ,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa .

“ Wakhtigii xukuumada madaxweyne Siilaanyo ay ku guulaysatay talada dalka ayey dhagax dhigtay wadada dhismaheedu socdo isku xidha Burco Oodweyne iyo Hargaysa waxaa wakhtigaasi si hagar laana ugu gurmaday dhaqaale ururinta  dhismaha wadada dhamaanba ganacsatada reer S/land ,qurba jooga iyo waliba shicibka  walina wadadii bulshadu dhaqqalaha galisay waxay soo dhaaftay 11 kiilo matir oo caratuula magaalada Burco ee xarunta gobolka oo ay ka soo bilaamatay wadadu ,sadaa awgeed ilaa iyo maalintii Siilaanyo wadadaasi dhagaxdhigay ilaa maanta Xukuumadiisu wax alaale wax gacan ah oo ay ka gaysatay ma jiraan ,balanqaadadii uu wadada u sameeyayna way beenoobeen ,waxaana cadaatay in uu codka shicibka ku doonaayay ,macnaheeduna waxa uu noqday meel Dhagax dhig oo hadana dhaaf “ Sidaasi ayuu yidhi.

Sidoo kale Xildhibaanka Ayaa fariin u diray bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag waxaanu ku wargaliyay gobol’aan in ay si weyn u taageersanyihiin Dhismaha jidkaasi Ceerigaabo ,balse waxa uu usoo jeediyay in ay dhismaha wadada u xilsaaraan gudi ka madax-banaan Xukuumadda Siilaanyo si loola xisaabtamo.

 

 

Wariye Cabdikariin Maxamed Jaamac.

Oodweyne Somaliland. 

Leave a Reply