Xisbiga UCID Oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Gobolka Maroodijeex Iyo Marxaladaha Wadanka Ka Taagan Oo Galay Xaasaasi.

Filed under: Latest News |

HARGEYSA (BM)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta magacaabay Guddoomiyaha xisbigaas ee gobolka Maroodi-jeex.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta xisbiga ee magaaladda Hargeysa kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la magacaabo Gudoomiyaha Gobolka M/JEEX ee Xisbiga UCID.

Markuu Xisbiga UCID ku qancay kartida iyo hawlkarnimadiisa waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 20/10/2013 u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka M/jeex ee Xisbiga UCID Md, FAYSAL ABIIB GUDHANE.

Isla markaana la faray in hawshiisa si dhakhso ah u bilaabo kana soo baxo waajibaadka loo igmaday.waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu u fuduudeeyo xilka loo dhiibay.”

Geesta kale magacaabista xilkan Maroodijeex ee Ucid ayaa ku soo beegmay xili xaasaasi ah oo uu wadanku u baahanyahay in Xukuumadda Kaligeed taliska ah ee Siilaanyo laga qabto ,taasi oo imika habdhaqankeedii maraayo in madaxda dalka ee siyaasadda Siilaanyo dhaliila Suuqa Isku day dil loogu gaysto .

Waxaana hubaal ah hadii Shicibka Somaliland iyo axsaabta Mucaaridku wada jir uga hortagiwaayaan ,shirqooladda ,Tegteetarnimadda iyo Qabiilaysiga ay Xukuumadda Siilaanyo  wadanka ku wado ,ee beesha bariga Burco horkacayso in laga dayi-doono Haadaan dheer oo Somaliland 20-sano ka hor halkii ay joogtay dib ugu celiya ,ama ka sii daran.

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply