Xisbiga Wadani Laantiisa UK Oo Taageeray Go’aankii Xisbigoodu Ka Qaatay Miisaaniyad Sanadeedka 2014 Oo Mad-madow Hadheeyay.

Filed under: Latest News |

London(BM)-Dhamaantayo Madaxda, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani Laantiisa UK waxaan taageero buuxda la garab-taaganahay maamulka sare ee Xisbiga Waddani oo Shaatiyada ula baxay mucaaradnimo dhab ah oo Aqoon iyo Cilmi ku salaysan. Xisbiga Waddani waxuu diyaar u yahay inay ka dhabeeyaan hadafkoodii siyaasadeed ee ku salaysnaa Waxqabad  la-taaban karoviyo Cadaalad Dalka iyo Dadka loogu shaqeeyo. Xisbigu wuxuu hadh iyo habeen diyaar u yahay siday Shacabka uga difaaci lahaayeen in lagu sabaaliyo been, Eex, Waxqabad-xumo iyo Warar aan sal iyo raadtoona lahayn. Shacabka S/land waxaa maanta u cadaatay in fadeexad iyo foolxumo badani dul-hoganayaan qaabka ay xukuumada Kulmiye u maamushay arima Shidaalka, Airport-ka, Miisaaniyada Waddanka iyo Dhismaha Waddada Ceerigaabo oo qorshaha laga leeyahay uu yahay oo qudha sidii codka shacabka loogu Xadi lahaa.

Waxaa nasiib wanaag ah in Shacabka S/land gaadhay meel ay garan karaa qofkay codkooda siinayaan, una bislaadeen inaan been dambe iyo Balanqaadyo been ah lagu maaweelin doonin. War murtiyeedkan uu soo saaray Xisbiga Waddani waxuu bulshada u iftiimiyey in xukuumadu aysan wax budget ah u samaynin jidka Ceerigaabo, wax plan ahna loo diyaarin qaabka wadadan loo dhisayo, iyo waxa ku baxaya toona. Arimahaasi waxay tusaale cad u yihiin in qorshaha arintan Maamulka Kulmiye ka leeyahay ay tahay oo qudha inuu ku ololeeyo doorashada soo socota iyo weliba Aqoon-darada Horgalayaasha Xukuumadan Kulmiye ee fikradahan la gole yimid.

Xisbiga Waddani waxuu iftiimiyey qaabka khaldan ee loo maamulay shirkadii shidaalka ee Genel. Waxuu kaloo Xisbigu carabka ku dhuftay in si loo daboolo culaysyada iyo fashilka siyaasadeed ee kulmiye ay hadda u wareegeen xaga Waddada Ceerigaabo,  taasoo ah arin dadka lagu majara-habaabinayo si looga yareeyo su’aalaha ku saabsan waxii ay kharibeen ee hore.
Xisbiga Waddani waxuu marwalba u cadaynaynaa dhamaan bulshada S/land iyo weliba Shacabka Deegaanka Gobolka Sanaagba inaanu horena uga qayb-qaadanay haddana kaalin mug leh ka qaadan doono dhisida wadadan balse aanu ka soo horjeedno in Arintan Qaran la siyaasadeeyo, oo danta guud dib loogu riixo sababo shakhsi ama xisbi. Waxaanuna cadaynaynaa in qaabka ay xukuumadu u maamushay Waddadani yahay mid xaqiiqada baal-marsan.

Shacabka Somaliland waxaan ugu bushaaraynaynaa in Xisbiga Waddani u dhashay danta shacabka kuna dhashay taageeradiina; Noqona doono Xukuumada ka dhabaysa dhisida Jid Dhaxal-gal noqda oo isku xidhi doona Ceerigaabo iyo Burco. Hadh iyo habeena waxaanu heegan idiinku nahay inaanu ka hortagno, idiina iftiimino waxyaalaha Dalka iyo Dadka wax u dhimaya ee ay isku daydo inay ku kacdo xukuumadan kulmiye. Xukuumada Kulmiyena waxaanu uga digaynaa inaysan Siyaasadayn waxyaalaha Danta iyo Hantida Qaranka ah, dibna u dhigto danteeda shakhsi, soona hor-mariso danta Guud.

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Mudane Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com
London

 

Leave a Reply