XUKUMADU MURAAYAD MADOW AYAY KA XIDHATAY JIDADKA CAASIMADA EE BURBURSAN EE AAD KA ARGAGAXAYSO SIDA AY YIHIIN

Filed under: Articles-Maqaallo |

CIID MUBARAK KULU CAAM WANTUM BILKHEYR YAA SHACBII SOMALILAND ,Wadooyinka Caasimada Hargeisa oo ah bilicdii dalka ee aduunku ka dheehan karayay horurmarka dalka Somaliland gaadhay ayaa ah kuwo burburay intooda badani oo aanad gaadhi ku dhex wadan karin maanta taasii oo aad moodo inay Xukumadu ka xidhatay muraayado madaw si aanay u arag foolxumada iyo burburka ku habsaday wadooyinka Caasimada taasi oo Xukumada Ceeb ku ah inay tidhaahdo Wado dhererkeedu ka badan yahay 400 KM ayaan  wax ka qabanayaa iyada oo ku guul-daraysatay wadadii xafiisyada Dawlada hor maraysay ay burbursan tahay oo gawaadhidii oo dhami ay isku cidhiidhiyaan Wadada yar ee la dayac tiray ee hor marta Madaxtooyada ila Suuqa Hoose madaama wadooyinkii kale ay noqdeen kuwo burbursan oo la dayacay. Hadaba manay haboonayn inay Xukumadu isa saarto culuys aynay qaadi karin  balse waxa uga haboonayd inay  dhisto wadooyinka Caasimada ee burbursan ee aad ka yaabayso foolxumada iyo boodhka saaran. Waxan oganahay inay Caasimada Hargeisa ay ku noolyihiin marka sedex loo qaybiyo dadka Somaliland qayb-ahaani. Hadaba waxay ahayd in wadooyinka jira ee Caasimada si fiican loo dayactiro, kuwo cusub oo tayo lehna loo dhiso maxaa yeelay Caasimada Hargeisa waxay ku socota korodh xad dhaaf ah oo hadii aanay wada socon qorshaha lagu baalaadhinayo adeeyada caafimaadka, biyaha, Wadooyinka, Laydhka, Waxbarashada, Garoomahada Kubada lagu ciyaaro, Saldhigyada Booliiska, Istaanada laga raaco basaska caasimada gudaheeda iyo gobolada iyo hirgelinta nidaam  dab-demis oo ay caasimadu yeelato ay noqonayso inay Caasimadu noqoto magaalo dayacan oo dhalinteeduna ay jidkaa tahriibka uun ay miciin moodaan maadaama ay arkayaan kuwii xilka u hayay oo xiitaa ka iibsanaya dhulkii danta guud ee u noqon  lahayd Garoomo ay Kubada ku ciyaaraan si ay uga mashquulaan Tahriibka iyo ficilada xun xun ee ay ku kacayaan dhawaanahan.

 

Aniga waxay ila tahay inay xukumadu ka dhigan tahay HABARTII XAABADA LA KICI WAYDAY EE HADANA TIDHI INKALE HA LA IIGU DARO.

 

Waxad moodaa inay Xukumadu ku dhaqaaqayso wixii maskaxdeeda ku soo dhaca ee aanay raacayn qorsheyaal laga baraan degay sababta oo ah  shalay ayay bilawday Jidka Wajaale iyo Kalabaydh isku xidha oo dhererkiisu dhan yahay 18 KM oo qudha oo inta ay Xaflad u qabatay ee ay tidhi waan dhamaystiraynaa ay hadana inta ay taataabteen ayay iskaga tegeen. jidkan oo dhib xoog leh lagu qabo mararka ay roobku ka da´aan. Waxa kale oo xusid mudan in labada doox ee u dhexeeya Berbera iyo Hargeisa (Dooxyada Awbarkhadle iyo Dacar Budhuq) ay sanad walba galaaftaan tobonaan nafood oo ayna kala xidhaan isu socodka gawaadhida u kala gooshaysa Bariga iyo Galbeedka Dalka. Waxa haboonayd inay Xukumadu labada doox ka samayso Biishyo lagu badbaaadiyo nafaha dadkeena ee sanadka walba ku baxaya labadan doox.

 

Xukumada waxan leeyahay, iska Dhaafa riyada aad la soo toosaysaan subaxi balse waxa ka haboon inay noqodaan waxaad  qabanaysaan  kuwo la qorsheeyay oo laga baaraan degay oo loo eegay mudnaanta dalka ay u leehiin iyo awooda dhaqaale ee loo helayo fulintooda.

 

SIDA KHEYRKA LEH ALLE HA INA WAAFAJIYO.

 

Yuusuf S. Wacays

Leave a Reply