Afahayeenka Xisbiga Wadani Ee Laanta Bristol Uk Oo Si Mug Leh U Tageero Shirka Dooda Qaran Ee Mucaaradku Qabanqaabinayaan

Filed under: Latest News |

Bristol(BM)-Afhayeenka xisbiga wadani laantiisa Bristol, Uk  Asad Daahir Huruuse  ayaa si weyn u soo dhaweeyey Dooda qaran ee axsaabta mucaaridka doonayaan inay qabtaan bisha December ee soo socota inshaa Allah. Waxaana uga digay xukumada siilaanyo inay carqaladayso doodaas qaran oo lagu lafo guri doono aayaha iyo mustaqabalka Somaliland oo imika u muuqda inuu mugdi weyni soo foodsaaray.

Waxa kale oo afhayeenku sheegay in xukumada u hogaamiyo ahmed siilaanyo ay ku fashilantay hawlihii qaran ee loo igmaday sida aqoon raadiskii beesha caalamka, xidhiidhka Somaliland ee wadamada jaarka, tahariibta xadhkaha goostay, shaqo la´aanta baahsan iwm, sidaa darteday noqotay in axsaabta mucaaridka ahi ay qabtaan dood qaran oo lagu lafogurayo hawlaha qaranka ee dayacan. waxa kale oo afhayeenku intaas ku daray in dooda qaran ahayn mid mijoxaabinaysa qaranimada Somaliland balse ay tahay mid loo baahan yahay ayna xukumada siilaanyo ka didin.

Afhayeenka xisbiga wadani ayaa sheegay in dooda qaran lagu soo qaadi doono doorashooyinka Somaliland ee is dulfuulay ( doorashada wakillada, |Guurtida, madaxtooyada iyo diwaangelinta doorashooyinka oo weli xukumada siilaanyo qaban).

Afhayeenka ayaa sidoo kale xukumada uga digay inay farogelinta ka deyso golaha Wakiilada oo hadda u muuqada inay kala qeybisay iyada oo isticmaalaysa hantida umadda iyo telefishanka qaranka Somaliland.

Ugu danbeyntii, Afhayeenka xisbiga wadani wuxuu u soo jeediyey shacabka Somaliland inay ilaashadan nabadooda iyo horumarka ay ku talaabstay qaranka Somaliland, sidoo kale wuxuu ku gubaabiyey axsaabta inay qabshada shirweynaha qaran si hufan oo aqooni ku dheen tahay u qabtaan ayna guud ahaan shacabi weynaha Somaliland ay taageersan yihiin guddo iyo dibeddba.

 

Afhayeenka Wadani Bristol

Asad Daahir Huruuse

Bristol, Uk.